Khilaafkii Golaha Deegaanka Ceel-Afweyn oo la soo Af-meeray iyo Maayar ku-xigeen Cusub oo la Doortay

Ceel-Afweyn (SLpost)- Golaha Deegaanka ee Degmada Ceel Afweyn ayaa fadhi ay maanta yeesheen waxay ay Maayar ku xigeen u doorteen Saleebaan Yuusuf Diiriye ka dib markii uu iscasilay Maayar ku xigeenkii Hore ee Degmadaasi Cabdi Muuse Warsame, taas oo soo afjartay murankii ka taagnaa dhinaca hoggaanka golaha deegaanka Ceel-Afweyn.

Fadhigan oo uu Goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal (Geeljire) oo uu Weheliyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolkaasi ayaa waxaa kale oo ka qayb galay Madax dhaqameedyo isugu jira Boqoro,Salaadiin iyo Cuqaal.

ceel afweynFadhigan oo ay Goob joog ka ahaayeen 14 mudane oo ka mid ah 17-ka Xildhibaan ee Golaha Deegaanka ee Degmadaasi ka kooban yahay, waxay Saddex iyo Toban Mudane ku Ogolaadeen Soo Jeedinta Iscasilaada Guddoomiye ku xigeenkii Golaha Deegaanka ee Degmadaasi Cabdi Muuse Warsame oo hore loogu doortay fadhi aan loo dhammayn. Waxaa kale oo ay Cod aqlabiyad ah oo dhan Sadex iyo Toban Mudane ku doorteen in Maayar ku xigeenka Magaaladaasi uu noqdo Saleebaan Yuusuf Diiriye.

Gudoomiyaha Gobolka Md Aadan Diiriye Cigaal oo halkaas ka hadlay, ayaa mahadnaq u jeediyey xildhibaanada iyo xubnaha golaha wasiirada ee ka soo jeeda Gobolka Sanaag kuwaasoo uu ku tilmaamay inay had iyo jeer ka qayb qaataan hawlaha ka socda Gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag waxa uu sheegay in si Waafaqsan Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka ay u dhacday Doorashadii hore ee Hoggaanka Golaha Deegaanka ee Degmada Ceel Afweyn isla markaana ay jewi degan mar kale ugu hirgashay.

Maayarka Ceel Afweyne Baashe Xandule Warsame, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Sida quruxda badan ee uu ku soo dhamaaday Khilaafkii ka dhex taagnaa Golaha uu Gudoomiyaha u yahay, waxaanu ballan-qaaday in isaga iyo ku xigeenkiisa Cusubi ay u hawl gali doonaan horumarinta Degmada Ceel-Afweyn.

Boqor Maxamed BoqorAxmed Cali Ducaale oo halkaas ka hadlay ayaa Eebbe uga baryay Maayarku Xigeenka Cusub inuu ku garab galo Mas’uuliyada ballaadhan ee loo doortay, waxaanu ku bogaadiyay Xildhibaanada Golaha Deegaanka sida ay isugu Tanaasuleen taas oo uu ku timaamay inay Horseedayso Isku duubni, Horumar, Nabad-galyo iyo Midnimada bulshada deegaanka degmada Ceel-Afweyne, waxaanu ugu baaqay Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac inay isu tanaasulaan, kuna deydaan xildhibaannada Golaha deegaanka Ceel-Afweyn.

Si kastaba ha ahaatee Maayar ku Xigeenka Iscasilay ee Degmada Ceel Afweyn ayaa tallaaban uu sameeyey waxay la xidhiidhay sidii uu Meesha uga saari lahaa Khilaaf salka ku hayay kala qaybsanaan la soo deristay Golaha Deegaanka ee Degmadaasi oo beel kali ahi markii hore wada-qaadatay Maayarka iyo maayar ku-xigeenka.

SOMALILANDPOST.NET