Khilaafka Jaamacadda Hargaysa – Kaalinta ay Masuuliyiin Xukuumadda ahi ku leeyihiin (Warbixin Faahfaahsan)

Jaamacadda HargeysaHa ku dawakhin khilaafka ka jira Jaamacadda Hargaysa – waa mid aynaan diyaar u ahayn in aynu xalino bulsho iyo dawlad ahaan– sababtaan sidaasi u leeyahay waxa weeye – xalkeeda xaqiiq looma wajahin – waa hore ayay arrimahani dhamaan lahaayeen – laakiin innagga arinteenu waa, “Meeshu waa Somaliland oo waynu is naqaanaa ee aynu xaal masruudno” – waayo badan ba qaylo ayaynu maqlaynaa.

Jaamacadda Hargaysa markii shaqada la qoray Gudoomiyaha hadda maamula wuxuu Madaxweyne Siilaanyo iyana magacaabay golle sarre oo maamula, dajiya isla markaana kala hufa siyaasadda Jaamacadda iyo qaab maaliyadeed keeda.

Gudoomiyaha iyo Board ka cusubi waxay ku hawl galeen qorshayaal ay dajiyeen oo uga soo baxay baadhitaanadii ay ka sameeyeen Jaamacadda guddida Tacliinta sarre oo ahayd tii shaacisay isla markaana qortay shaqadda Gudoomiyaha Cusub.

Isbedel kasta oo goob laga samaynayaa waa xanuun badan yahay –isbedeladii socday waxay keeeneenndhawaaqyo faro badan oo ka soo yeedhayay rag badan oo aakhirkiina qabiil dabada galiyay.

Arinta haatan khilaafka keentay aan u daadago:

Sida ila xogogaal ahi ii sheegeen madal loo dhamaa oo ay fadhiyeen gollaha sarre ee Jaamacadda iyo gollaha hormuudada ee maamula Jaamacadda ayaa waxa ka kacay nin ka mid ah nimanka hadda Jaamacadda laga eryey ee weerarka ku haya oo la yidhaahdo Axmed Maxamuud Cadaad. Wuxuu si cad ugu eedeeyay Gudoomiyaha Jaamacadda Dr Gaas in uu lunsaday lacag dhan $70,000. Madashii ayay Gollaha sare ka go’aamiyeen in Hanti Dhawre la galinayo Jaamacadda balse ay shuruudo ku xidhan yihin. Waxay yidhaahdeen Haddii gudoomiyaha lagu helo eedayntaasi culus waa la eryayaa isla markaana maxkamad iyo xeerarka ciqaabta lala tiigsanayaa, haddii warkaa aad sheegaysaan ee Lunsiga hantidu uu been noqdana SHAQADA waa la idinka eryayaa. Hanti dhawrkii sidii ayuu Jaamacadda ku galay – waxba waa lagu waayay Gudoomiyaha Jaamacadda Dr Gaas.

Halkaa marka arintu marayso ayay Gollaha sare ee Jaamacaddu shaqadii ka joojiyeen Laba Hormood oo eedaynta gadhwadeen ka ahaa isla markaana digniino la siiyay hormuudo kale oo qayb ka ahaa eedaynta. Labada Hormuud ee la eryay waxaa lagu eryay Cadaad oo isagu haystay Digniin tii u dambaysay ee shaqo ka dib markii uu ku dhex dagaalamay gollayaal ka horeeyey isla markaana uu si sharci daro ah oo nidaamka qorista ardayda Jaamacadda ka hor imanaya ku qoray arday isagoo aan nidaamka raacin iyo ka dib markii uu shuruucda Jaamacadda jabiyay qaybo badan oo ka mid ahaa. Nin la yidhaahdo Kayse Ali Geedi oo isna la eryay ayaa sababta lagu eryay ay ahayd sida xoguhu sheegayaan ka dib markii uu eedayntaasi qayb weyn ka ahaa, wuxuu sidoo kale ku jiray saddex dii bilood ee u horeeyey shaqo tijaabinta maadaama wakhtigaasi shaqada la qoray (Probation period), xoguhu sidoo kale waxay iftiimiyeen in Kayse uu muujiyay karti daro iyo khilaafaad dhex maray isaga iyo ardaydii uu maamulka u ahaa oo baahsanayd – sidaasi ayaa lagu eryay labadaasi hormuud. 3 hormuud oo kale oo qayb ka ahaa eedayntaasi gudoomiyaha iyagana waxa la siiyay Digniino lagu sababeeyey in aanay ka oolin eedaymo hore iyo digniino hore.

Halkaas marka ay arintu marayso ayay rabshado iyo fadeexadayn ay bilaabeen labada hormuud ee la eryay – gar naqsiyo badan ayaa dhex maray iyaga iyo Gollaha Sarre ee Jaamacadda iyadoo ay labada hormood adeegsanayaa xubno ka tirsan Gollaha wasiirada ee beelahooda kaga jira xukuumadda – Halkaasi oo Dr Gaas oo kalidii ah ay kulamo kula yeesheen Ambassador Hotel. Kulamadaasi oo si dhaqanka ka baxsan oo aan asluubaysnayn Mr Cadaad uu u weerarayay Gudoomiyaha Jaamacadda oo kalidii shirka fadhiya isla markaana aanay cidi la socon.

Intaasi uun kuma ay istaagin ee Cadaad oo adeegsanaya Shabakadda Hadhwanaag oo dhaqankeedu noqday in ay ummadda isku dirto isla markaana ceeb u soo jiido beel weynta Arab ay bilawday qayb qaybinta Shaqaalaha jaamacadda Hargaysa iyagoo shakhsi kasta ku hor qoray qabiilkiisa – Ceeb iyo qudhun bay halka ku qoreen. Gollaha sarre oo taasi daba socdaa waxay maamulka Jaamacadda galiyeen Baadhe Caalami ah oo baadha habka shaqaalaysiinta iyo eedaymaha kale ee la soo jeediyay – Baadhihii wuxuu cadeeyey in aanay jirin musuq shaqaale qorista ahi balse wuxuu sheegay in shaqaaluhu badan yahay (Over staff) taasi oo ah waxyaabihii Gudoomiyaha cusub iyo Gollaha sarraba loo soo xulay si ay uxaliyaan.

Intaasi markii ay dhacday ayaa Cadaad iyo Kayse Ali Geedi oo ka soo jeeda qoyska sharafta leh ee reer Ali Geedi oo walaalkiina sheikh sharaf leh yahay balse isagu daba socda uun Cadaad ay bilaabeen in ay ardaydii Jaamacadda shirar la galaan iyagoo hab beelaysan u wajahaya – arintaasi oo buuq iyo isku dir kadhex abuurtay ardaydii Jaamacadda balse aanay dhag jalaq u siin ardaydu.

KAALINTII WASIIR XIRSI IYO XAFLADII QALIN JABINTA 2014

Markii xafladii qalin jabinta ee 2014 kii la gaadhay ayuu Cadaad abuuray koox shufto ah oo uu uqorsheeyey in Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo xaflada jooga in ay qas iyo ka ridaan jahawareer – balse arintaasi waxa baajiyay ka dib markii ay ciidamada amaanku ka war heleen – wuxuu ku dooday markii la ogaaday “Waayahay ee aan ka qayb galo xaflada haddii kale qas iyo qalalaase ayaan ka ridaynaa” – Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan oo arintaasi in uu ka hortago rabba ayaa ku qanciyay Gollaha sare ee Jaamacadda in ay ka qayb galkiisa xafladda uun ogolaadaan, marka xafladu dhamaatana ayna dib ugu soo noqonayn Jaamacadda – tii wasiirka ayaa loo yeelay sida wararku sheegayaan oo waxa looogolaaday in ay xafladii ka soo qayb galaan.

XAALADIHII AMNI IYO GURMADKII CIIDANKA QARANKA

Intaasi markii ay dhacday ee ay xafladii qalin jabinta laga gudbay ayay Cadaad iyo Kayse Ali Geedi isku dayeen in ay xoog ku soo galaan shaqadda, markii ay xafiisyadda yimaadeen ayaa ciidamada amaanka ee Jaamacadda amar lagu siiyay in ay ka saaraan shaqaalaha laga eryay Jaamacadda – si kasta oo ay wax u dhaceenba Booliiskii shaqadiisii waa ka gaabiyay oo waa fulin kari waayay iyadoo ay soo baxeen xogo sheegaya in Taliyaha Ciidanka booliisku amray in ragaasi la eryay aan laga saarin Jaamacadda – isla

maalmahaasi waxay Cadaad iyo Kayse Ali Geedi abaabuleen in ay qash qashaan imtixaanaadka jaamacadda iyadoo ay koox soo abaabuleen gacan saareen madaxa Xafiiska Imtixaanaadka Jaamacada, masuul la yidhaahdo Abdirashid Gaxnug iyo ku xigeenkiisa. Dhacdooyinkaasi markii ay Bilaysku ay wax ka qaban waayeen ayay Maamulka Jaamacaddu gurmad amaanka sugga u doonteen Taliyaha Ciidanka Qaranka Shaqalle isagoo soo siiyay 15 askari oo military ah oo amaanka sugayay muddo 5 cisho oo ay socdeen imtixaanaadka Jaamacaddu – Saluuga bilayska waxa lagu eedaynayay taliska ugu sareeya oo hab dhaqankiisu u eekaatay in uu la Safan yahay CADAAD, taasi darted ayay ciidanka qaranku u soo faro galiyeen si amaanka loo sugo.

Kaddib markii ay ciidamada qaranku la wareegeen sugida amaanka Jaamacadda waxay ilo xogogaal ahi sheegeen in taliye Fadal uga cawday madaxweyne Siilaanyo Taliye Shaqale.

MADAXWEYNE KU XIGEENKA IYO KAALINTIISA HAWLAHA DHACAYA

Intaasi markii ay dhacday ayaa madaxtooyadu arinta soo faro galisay isla markaana Madaxweyne Siilaanyo arintii u saaray Ku xigeenkiisa Mudane Saylici – Dhex dhexaadin iyo xog ururin ka dib Saylici wuxu ku amray Cadaad iyo Kayse Cali Geedi in ay Jaamacadda ka maqnaadaan muddo 4 bilood ah – soo noqoshadoodana ay yimaadaan Madaxtooyada oo aanay iman Jaamacadda – Halka Dr Gaas iyo ku xigeenkiisana ay ku hanjabeen istiqlaalad haddii ay soo noqdaan kooxda laga eryay Jaamacadu.

Madaxweyne ku xigeenku is casilaada shuruudu ku xidhnayd wuxu u dhigay in uu aqbalay oo Dr Gaas maamulka sii hayo ilaa inta la helayo badalkiisa.

Arintasi aqbalka iscasilaada ee Gudoomiyaha, Gollaha Sarre ee Jaamacadu waxay u arkeen faro galin uu Madaxweyne ku xigeenku ku soo qaaday hawlihii Madaxweyne Siilaanyo u idmaday – doodo badan kaddib waxa lagu heshiiyay in ay go’aan ka soo gaadhaan arinta labada shaqaalaha ah ee la eryay Gollaha Sarre, go’aan koodii wuxuu noqday in Shaqaalihii la eryay ay danta jaamacadda ku jirto in ay sidaasi Jaamacadda Kaga maqnaadaan.

XUQUUQ SIINTII SHAQAALAHA LA ERYAY

Intii lagu gudo jiray mudadii 4 ta bilood ahayd ee ay Cadaad Iyo Kayse Geedi ay ka maqnaayeen Jaamacadda ayaa Madaxweyne xigeenku soo dalbaday in nimankii XUQUUQ doodii Jaamacadda la soo siiyo isla markaana ay sidaasi kaga tagayaan Jaamacadda – warar xogogaal ah ayaa waxay noo sheegeen in Check lagu qoray lacag cadadkeedu dhantay $8000 (Sideed kUn oo dollar) oo xuquuqdii Labadaas masuul ah isla markaana sidaasi Madaxwenye ku xigeenku uu ku gudoon siiyay xuquuqdoodii. Hadda ogsoonow shaqaalaha Jaamacadda lama siiyo wax xuquuqa marka ay shaqada ka tagaan, balse, labadaasi masuul arin lagu laaluushay ayay lacagtaasi ahayd ka dib codsiga Madaxweyne Xigeen ka ka yimi – iyaba waa waxyaabaha gollaha sare iyo maamulka Jaamacaddu ay ku eedaysan yihiine.

Arrimuhu markii ay halkaasi marayeen ayay haddana bishan June 16 2015 ay Cadaad iyo Kayse Ali Geedi yimaadeen xafiisyadii laga eryay ee Jaamacadda iyadoo aan cidina ku soo celin, madaxtooyaduna aan waraaq u soo qorin. Sida ay ilo xogogaal ahi sheegayaan taliyaha amaanka Jaamacadda ayaa Cadaad iyo Kayse oo la shiraya koox arday ah u tagay kuna amray in ay ka soo baxaan Jaamacadda – way ajiibeen.

Aroornimadii June 17 2015 ayuu taliyihii amaanku dareemay dhaq dhaqaaq iyo abaabul ka dhashay kulamadii ay maalintii hore arday abaabulan la yeesheen labadaasi masuul. Xogaha soo baxaya ayaa sheegaya in subaxaasi taliyaha amaanku tagay taliska ciidanka booliiska isla markaana u sheegay in ay arimahaasi jiraan, isla markaa niman kaasi shaqada laga eryay na ay Jaamacadda yimaadeen, maamulka Jaamacadduna amray in laga joojiyo soo galitaanka Jaamacadda – Taliyaha amaanka Jaamacadda waxa lagu amray in aanu dhex galin hawlaha Jaamacadda nimankaasina aanu ka joojin galitaanka Jaamacadda.

Amarkaasi sarre ee taliyaha amaanku helay wuxuu sababay in aroornimadii 17 Ka June ciidanka amaanka Jaamacadu habacsanaani ku dhacdo isla markaana ay faraha ka qaadeen sugidii amaanka. 17 June shir ay wada yeelanayeen Gollaha sare iyo Gollaha Senate ka ee maamula Jaamacadda ayaa goobta ka dhacayay, kaasi oo lagaga hadlayay hir galinta qawaaniin laga soo shaqaynayay muddooyinkii u dambeeyey. Cadaad iyo kayse Cali Geedi 16 June ayay Jaamacadda dhexdeeda ku sii qorsheeyeen weerarkii 17 June lagu qaaday Gollaha Sarre ee Jaamacadda. Weerarkaasi waxa lagu weeraray Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Cadaalada, Wasiir Xigeenkii Hore ee Caafimaadka Mahdi Osman Buuri, Madaxa Penha ee Sacdia oo gollaha sare ku jirta oo dhamaan tood dhaawacyo qaba isla markaana Mobile ladoodii laga boobay – waxa sidoo kale lagu dhaawacay xubno faro badan oo ka mid ah maamulka iyo hormuudada Jaamacadda oo goobta shirka ku sugnaa. Kooxda soo weerartay Gollaha shirayay waxay si ficil leh u muujiyeen in Cadaad soo abaabulay iyagoo ku hadlayay erayo laga dhadhan sanayay halka ay ka socdeen.

Kooxdii soo weerartay shirkaasii marki talaabo ka qaada la is yidhi waxaa si cad u hor istaagay taliyaha Bilayska Sareeeyo Guuto Fadal oo amray in aan danbiilayaasha la soo xidhin isla markaana baadhitaankii CID da joojiyay – arintaasi waxaa cadeeyey oo xaqiijiyay Taliye Xigeenka Booliska Fooxle oo shir Madaxtooyada ka dhacay ka sheegay in amar isaga ka sareeya arimahaasi lagu joojiyay.

Gabo-Gabadii waxay is waydiintu tahay – Wakhtima ayay cadaalada iyo qaran nimadu shaqaynaysaa. Wakhtima ayaa masuuliyiinta amaanka ee qaranku ay ka gudbayaan in ay masuuliyadaha ay hayaan danahooda iyo dano gaar uga faaiidaystaan. Waxay haatan u muuqataa in xaalad amni ee Jaamacaddu ahayn mid sugan isla markaana ay khatar ku sugan yihiin shaqaalaha iyo ardayda Jaamacaddu maadaama oo aanay cadayn dhex ahaanshiyaha Hogaanka Bilaysku oo lagu eedaynayo in uu la safan yahay kooxda Jaamacadda laga eryay ee rabshadaha kicinaya.

Arrintan dhawayd ee u dambaysay ee Cadaad iyo kooxda uu soo abaabulay rabshadaha abuureen – waxay ceebayn iyo waji gabax wayn ku tahay beesha uu ka soo jeedo oo uu ardaydii ka soo jeeday si xun u adeegsaday.

Ummaddu waxay is waydiinaysaa – Istaadyoomkii Hargeysa ayaa rabshado iyo daganaanshiyo la’aan uhaawanaya oo looga soo guuray ee Jaamacadda Hargaysana ma tii mid la mid ayay ku wadaan. Bulshadu waxay aad uga war war san tahay beelweynta Balli Gubadle ee Masuulka ka ah Arrimihii Cadaaladda Wadanka (Wasaaradda Cadaaladda), arrimihii Amaanka (Booliiska) Wadanka iyo Arrimihii diintu (Wasaaradda Diinta) ma waxay qaban kari laayihiin rabshad wade ay cadahay in uu cadaalad daro ku socdo isla markaana amaankii uu khal khal galinayo. Waxa loo baahan yahay in shakhsi kasta oon magac beeleed ku dagaalamaya isla markaana burush marinaya bulshada uu ka soo jeedo in gacan bir ah lagu qabto oo haddii uu gar leeyahay gartiisa la siiyo haddii uu gar daran yahayna waddo cad lagu rido.

Wabilahi Tawfiiq

Abdi Ismail