Khilaaf Siyaaseed u dhexeeya Hoggaamiyayaasha Ciraaq oo laga baqayo inuu Xasilooni-darrada ku sii huriyo dalkaas

Baqdaad, (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka wadanka Ciraaq Daariq Haashimi ayaa raysalwasaaraha wadankaasi Nuuri Maaliki ku eedeeyey rabshadaha dalkaasi ka soo kordhay .

Tobanaan ruux ayaa ku qudhbaxay qaraxyo ka dhacay degaano kala duwan oo ku yaala magaalada xarunta ah ee Baqdaad Khamiistii.

Mr.Haashimi oo loo soo jaray waaran qabasho ah oo la xidhiidha eedeymo loo soo jeediyey oo ku saabsan falal argagixiso ah, ayaa sheegay Mr.Maaliki in looga baahan yahay inuu shiishka saaro arimaha amniga balse aanay aheyn inuu bartilmaansado siyaasiyiinta wadaniyiinta ah isla markaama uu dalka ku riixaayo dagaalo sokeeye oo qolo qolo ku dhisan

Xiisadan soo kordhay ayaa laga cabsi qabaa in ay soo laba kacleeyaan khilaafkii dhinaca mad-habaha ee Ciraaq ka jiray.

Mr.Maaliki oo kasoo jeeda dadka shiicada ah ee wadankaasi u badan halka uu Mr.Haashimi uu ka midka yahay siyaasiyiinta ugu cad-cad carabta suniga ah ee reer Ciraaq. Waxaana Haashimi lagu eedeeyey inuu ku lug leeyahay qorshayaal argagixiso ah oo lagu doonayo in lagu khaarajiyo dad siyaasiyiin ah iyi xubnaha ciidamada amaanka, hase ahaate waxaa uu gaashaanka ku dhuftay dhamaan eedaymahaasi loo soo jeediyey.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net