Khilaaf Muddooyinkii u dambeeyey ka Aloosnaa Deegaan ka tirsan Gobolka Maroodijeex Oo La Soo Af-jaray

Hargeysa (SLpost)- Khilaaf maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa deegaanka Deegaanka Qoryaale oo ka tirsan Deegaanka Cadaadlay ee Gobolka Maroodijeex una dhexeeyay beelaha Bariga Hargeysa ayaa si rasmi ah xal looga gaadhay maanta waxaana laga soo saaray qodobbo ay si wadajir ah qalinka ugu duugeen dhinacyadii isku hayay.

Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdillaahi Xaaji Aadan oo ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha Bariga Hargeysa khadka taleefanka ugu warramay laanta warbaahinta ee Akadamiga Suugaanta iyo Cilm-baadhistu waxa uu yidhi, “Khilaafkani waxa uu ku salaysnaa arrin ay laba dhinac isku hayeen kaas oo ay qolo doonaysay in Qoryaale uu ahaado dhul-daaqsimeed, dhinaca kalena ay rabeen inuu noqdo deegaan laga hirgeliyo mashruuc beero ah”.

Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi (Mahad Careej) oo aanu arrinta wax ka weydiinnay, kana mid ah salaaddiinta Bariga Hargeysa ee xog-ogaalka u ahaa hawshan ayaa waxa uu yidhi “Somaliland waxa ay leedahay dhulal ah ban, buuro iyo deegaanno bulshadu u wada siman tahay oo dadka ka dhexeeyay illaa xilligii dawladda Soomaaliya iyo dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland, banka Qoryaale-na kuwaas ayuu ku jiraa. Waxa aanu isla qaadannay labadayada dhinacba in uu ahaado deegaankaasi dhul-daaqsimeed ummadda u dhexeeya, kaddib markii la galay garnaqsi iyo wada-hadal”

Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdillaahi Xaaji Aadan oo khadka taleefanka ugu warramay laanta warbaahinta ee Akadamiga Suugaanta iyo Cilm-baadhistu waxa uu yidhi “Khilaafkani waxa uu ku salaysnaa arrin ay laba dhinac isku hayeen kaas oo ay qolo doonaysay in Qoryaale uu ahaado dhul-daaqsimeed, dhinaca kalena ay rabeen inuu noqdo deegaan laga hirgeliyo mashruuc beero ah”.

Waxa la go’aamiyay

1. In deegaanku ahaado dhul-daaqsimeed bulshada u siman

2. Qoladii doonaysay inuu noqdo mashruuc beero ah oo gef samaysay waxa lagu ganaaxay lacag dhan 500,000 (Shan milyan Somaliland Shiling) iyo

3. In si nabad ah loogu wada noolaado deegaanka iyada oo dadku u siman yihiin”

Ugu dambayntii bahda Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista Somaliland waxa ay bogaadin u dirayaan ergada ka shaqaysay isu-soo dhaweynta Beelaha walaalaha ah ee arrinka ku soo dabbaalay nabad-gelyada iyo tanaasulka aynu ku dhisannahay. Si gaar ah waxa aannu hambalyo ugu diraynnaa guddidii ka odayeeyay khilaafka Qoryaale oo ka socday Beelaha (Habar Kaliil/Isaxaaq).