Khilaaf ka dhex-qarxay Xukuumadda iyo Dowladda Hoose ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa wasaaradda Hawlaha Guud ku eedeeyey inay faro-gelin ku samaysay Hawlaha Shaqo ee ay u xil-saaran tahay Dowladda Hoose ee magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in Wasaaraddu soo faro-gelisay arrimaha dhulka ee magaalada.

 

Xildhibaanka oo maanta saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay in wasaaradda Hawlaha Guud la wareegtay Dhul ay dowladda Hoose hore u siisay qof muwaadin ah, taasina ay xad-gudub ku tahay hawlahooda shaqo.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE