Khilaaf Dhinaca Dhulka oo u dhexeeyay degmooyinka Hargeysa iyo Sallaxley oo Xal laga soo Saaray

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenka waaxda Maamulka gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Cismaan Garaad Soofe, ayaa maanta soo saaray go’aan lagu xalliyey khilaaf dhinaca dhulka ah oo ka dhex aloosnaa goleyaasha deegaanka magalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley.
Todobaadkan horaantiisa ayaa isku-dhac sababay dhaawacyo soo gaadhay askar ka tirsan ciidamada boolisku dhexmaray Goleyaasha deegaanka Hargeysa iyo Sallaxley oo Isku khilaafay lahaanshiyaha maamulka deegaamo ku yaala Koonfurta-Bari ee caasimadda Hargeysa, kaas oo labada dhinacba sheeganayey in dhulkaasi maamulkooda hoos yimaaddo.