Khataraha ku Duugan Isticmaalka Lacagaha Qalaad – W/Q: Abdirashid Ahmed Guleid

Rashiid Axmed Guuleed

abdirashiid-Ahmed4Gooni isutaaga Somaliland waxa uu keenay in shillinkii uu Siyaad Barre ka tegay inuu saaxada ka baxo, isla markaana Somaliland ay samysato lacag u gooni ah oo isla magacii shillinka uun haysata haba kala

duwanaado astaamaha ku dulqoraniye. Somaliland in muddo ah ayay ku qaadatay in shillinkeeda ay gaadhsiiso wadanka intiisa badan, inkastoo ay jiraan gobolo Somaliland ka tirsan oo weli aan bilaabin isticmaalka shillinka Somaliland. Waxa kale oo saaxada soo galay lacagta qalaad oo si xad dhaaf ah waddanka looga isticmaalo. Qoraalkan waxaan waxoogaa kaga tilmaamaynaa isticmaalka lacagaha qalaad iyo khataraha ku qarsoon isticmaalkooda.Isticmaalka Lacagta Warqadda ah Intaynaan u gelin khataraha ku duugan isticmaalka lacagaha qalaad, marka hore ballaynu inyar ka tilmaano fikirka ama sida ay ku timid lacagta waraaqda ahi. Sidaan ku tilmaamay qoraalo aan mar hore soo saaray (siiba kii ku saabsanaa korodhka lacagta shillinka iyo waliba shaqada bankiga dhexe) isticmaalka lacagta waraaqda ahi waa wax adduunka beri aan fogayn laga bilaabay. Intaa ka hor waxa lacag ahaan loo isticmaali jiray dahabka. Hadaba maadaama uu dahabku yahay macdan qaali ah oo marwalba sidashadiisu ay dhib tahay ayaa dhaqaalayahanada adduunku waxay ka fikireen oo ay bilaabeen lacagta warqada ah amaba “paper money”. Waddan kasta oo adduunka ku yaalaa wuxuu markaa bilaabay inuu soo samaysto lacag waraaq ah oo isaga u gaar ah. Markii ay lacagtan waraaqda ahi bilaabantay ujeedada laga lahaa waxay ahayd in halkii dahab laga qaadan lahaa, dahabka inta baananka la dhigto dabadeedna lacag waraaq ah oo u dhiganta dahabka bankiga kuu yaala aad jeebka ku qaadatid. Marnaba lama ogolayn inuu bankiga dhexe ee dawlada u qaabilsan maamulka lacagta marnaba lama ogolayn oo sax may ahayn inuu bankiga dhexe soo saaro lacag waraaq ah oo ka badan dahabka waddanku uu haysto ee markaa bankiga dhexe gacantiisa ku jira. Qofkii lacag waraaqa haystaa saacada uu doono ayuu intuu bankiga dhexe tago uu ku bedelanaayay lacagtiisii oo dahab ah. In muddo ah markuu xaalku siddaasi ahaa ayaa fikirkii mar kale isbedelay oo la yidhi looma baahna in lacagta waraaqda ah loo bedelo dahab. Fikirka cusubi wuxuu noqday lacagta waraaqda ah qiimaheeda waxaa damaanad qaadaysa dawlada iyadu iska leh lacagtaasi. Tusaale ahaan, doolarka Marayka qiimahiisa waxaa damaanad qaaday Maraykanka. Sidoo kale isteerliinka waxaa damaanad qaaday dalka Ingiriiska. Markii dawladaha caalamka uuIngiriisku ugu xooga waynaa dhaqaale ahaan lacagta ugu socodka badan adduunka ee markaasi ugu dalabka badnayd waxay ahayd Istarliinka.

Awoodii Ingiriiska waxa bedeshay awooda Maraykan oo ilaa hadda caalamka haysata. Qiimaha lacagta waxa go’aaminayaa waa saddex tiir. Ka koowaad waa dalabka ay u qabaan ganacsatadu. Ka labaad waa sida ay bulshada caalamku u arkaan quwada dhaqaale ee dalka lacagtaasi iska leh. Ka saddexaad waa maareeynta kordhinteeda ama badinteeda ee uu gacanta ku hayo bankiga dhexe ee wadankaasi. Sidaa darteed qiimaha maanta uu doolarku leeyahay waxa hayaa waa saddexdaas tiir een soo sheegnay. Maxaad u malaynaysaa hadduu dhaqaalaha Maraykanku uu khalkhal galo?

 

Khatarta uu inoo Leeyahay Isticmaalka Doolarku

Sidaynu soo sheegnay doolarka haatan sabaynaya suuqyada Somaliland waa lacag qalaad oo waraaq ah oo markaasi qiimaheeda ay go’aaminayaan saddexda tiir ee aynu kor kusoo sheegnay. Saddexdaasi tiir haduu mid meesha ka baxo doolarku yeelan maayo qiimaha uu maanta leeyahay.

Saddexdaasi tiir een soo sheegnay waxyaabaha wiiqi karaa way badan yihiin. Tusaale hadaan soo qaadano waxa dhici karta in suuqa ugu wayn maraykan ee loo yaqaano “New York Stock Exchange” ee lagu kala iibsado sheerarka shirkadaha caalamku ugu waaweyn ayaa waxa dhici karta in ganacsatada isticmaashaa ay si lama filaan ah ugu guuraan suuqa Shiinaha ama suuqa Yurub. Taasi hadday dhacdo hal mar ayuu qiimaha doolarku dhulka geli karaa caalamka oo dhan. Markay taasi dhacdana lacagta waraaqda ah ee doolarka ah ee suuqa Somaliland taalaa way qiimo beelaysaa. Taasi waa haddii ganacsatadu ay ka aamin baxaan dhaqaalaha Maraykanka oo markaasi ay u guuraan Shiinaha. Ogow oo maanta raasamaalka adduunka waxa gacanta ku haya shirkado ay dad gaar ahi iska leeyihiin oo markaasi raasamaalkaasi saacaday doonaan ayay dhinacay doonaan u kaxaynayaan. Kolba halkay is leeyihiin way idiinku badinaysaa ayay maaliyadooda ula cararayaan. Ilaa hadda intooda badani Maraykan bay aaminsan yihiin laakiin waa wax dhici kara inay Shiinaha u wareegaan oo markay warregayaana saacado gudohood ayay ku wareegayaane hamoodin inay taasi waqti qaadanayso. Xaalku waa “debit and credit” siday yaqaaniin ardayda cilmiga xisaabuhu waana “capital flight” siday dhaqaalayahanadu yidhaahdaan. Taasi Maraykan dhaqaale burbur ayay ku keeni kartaa ciddii doolarka mooday lacagteedana arrintaasi si xun ayay u saamayn kartaa. Mida muhiimka ahi waxa weeyaan qofkii raasamaalkiisa doolar ku kaydsadaa xaalkiisu wuxuu ku xidhan yahay xaalka dhaqaalaha Maraykanka. Maalinta ay timaado in raasamaalka adduunka (ee haatan uu ku taagan yahay dhaqaalaha Maraykanku) ay ganacsatada manaxaanka ahi ay u xawilaan Shiinaha (si mug leh oo lama filaana) lacagtaada inaad shillin Somaliland ku haysato ayaa kuu khayr badan! Maalintaasi markay imanaysana waa la saadaalin karaa oo TVyada caalamiga ah ayaa kasii faaloon kara, laakiin cidina si 100% uma ogaan karto. Qofkasta oo maalqabeen ah waxaa la gudboon inuu foojignaado oo markaasi kaydinta raasamaalkiisa aanu ku hallayn keliya akkoon banki oo doolar ah.

 

Aaminaada Shillinka Somaliland

Markaan si cilmiyan ah u hadalno, ganacsatada Somaliland iyo bankiga dhexe ee Somaliland way ku khaldan yihiin in si xad dhaaf ah loo isticmaalo doolarka oo ah lacag qalaad oo duruufaha ku xeeran aanay Somaliland saamayn ku lahayn. Dhawrka banki ee dalka ka jira waxaa la gudboon inay si degdeg ah u sameeyaan akoono shillin Somaliland ah.

Bulshada ganacsatada ahna waa in la kala dooradsiiyaa inay raasamaalkooda ku kaydasadaan doolar ama inay ku kaydsadaan shillin. Dawladdana arrintan masuuliyad ayaa ka saaran, sidaa darteed waxa la gudboon inay bulshada ka wacyigeliso khataraha ku duugan isticmaalka lacagta qalaad. Dawlada waxa kaloo ku waajib ah inay bulshada kuwacyigeliso inay aaminaan oo ay isticmaalaan lacagta waddanka.

Dhinaca kale markaad ka eegto, bankiga dhexe ee Somaliland waxa la gudboon inay la shaqeeyaan dhaqaalayahanada waddanka si markaasi uu bankigu lacagta waddanka u maamulo si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Marka ay taasi timaado ayay imanaysaa in ganacsatada waddanku ay aaminaan shllinka waddanka oo markaasi ay qaataan talada dawlada ee odhanaysa aynu akkoonadeeda Shillin u bedelno halkay imminka ka yihiin doolar. Doolarka waynu u baahanahay laakiin isticmaakiisu xad ha lahaado oo waxkala-iibsiga suuqyada halaga daayo doolarka.

Abdirashid Ahmed Guleid

abdirashidaa@gmail.com