Khasaare ka Dhashay Hawlgal Mala-awaal ah oo Lagu Eegayay Sida Ardayda Jaamacad Ku Taal Kenya Uga Falcelin Lahaayeen Weerarrada Argagixiso

 

 

 

Nairobi(SLpost) -Qof ka mid ahaa howl-wadeenada Jaamacadda Strathmore ayaa ku geeriyooday in ka badan labaatan Ardayna wey ku dhaawacmeen, halka tiro kalena argagax qaadeen kadib  howl-gal mala’awaal ahaa oo shalay galinkii dambe ka dhacay Jaamacada Strathmore ee ku taalo Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Howlgalka oo ahaa mid qarsoodi ah, ayaa lagu sheegay inuu ahaa tijaabo lagu ogaanaayay sidii ay ardaydu oga jawaab celin lahaayeen haddii Jaamacaddaas uu ka dhaco weerar argagixiso, iyadoo ciidamada ammaanka Kenya ay fuliyeen howl-galkaas xilli qofna aanan loo sii sheegin.

 

Japheth Koome oo ah Taliyaha ciidamada Booliska ee gobolka Nairobi, ayaa howl-galkaas ku sheegay inuu ahaa mid sharciga waafaqsan oo lagu eegayay feejignaanta ardayda tirada badan ee Jaamacadaas wax ka barata.

 

Dhank kale qofka geeriyooday oo ahaa gabadh dhanka nadaafada ka shaqeyneysay, ayaa wakhtigii ay geeriyooneysay waxaa ka jiray dhismaha jaamacadaas is-buurasho xoogan madaama ardaydu ay ku saseen dhawaqa rasaasta ay Ciidamada ammaanku kor u rideen.

 

Qaar kamid ah ardayda, ayaa la sheegay iney iska soo tureen dabaqyada afaraad iyo midka Shanaad ee dhismaha jaamacada oo ku yaallo agagaarka xaafadda Lang’ata ee magaalada Nairobi, halka kuwa kalana ay isku qariyeen Musqusha jaamacadda.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee dalka Kenya, ayaa sheegtay in dhacdadaas kadib ay ardaydii dhaawacantay ula cararay qaar kamid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Nairobi oo ay ka mid yihiin Nairobi West iyo Mater Hospital si gar-gaar caafimaad loogu fidiyo.

 

Goob-joogayaal, ayaa iyaguna sheegay in ciidamada ammaanka gaar ahaan booliiska Bir-madka ee loo yaqaano AP-da (Administration Police) ay si kadis ah u galeen jaamacada iyagoo iska dhigaayay koox soo weerartay, waxeyna kor u tureen rasaas nool-nool oo ay damacsanayeen inay ku baqdin galiyaan ardayda, Macallimiintooda iyo weliba Maamulka jaamacada oo aanan horay loogu sii war galinin howl-galkaas tijaabada ahaa.

 

https://youtu.be/Nu8wCpzn5BU