Khasaare dhimasho iyo Dhaawac Tiro badan oo ka dhashay Shilal baabuur oo Ka Dhacay Jidka Isku Xidha Hargeysa iyo Berbera (+ SAWIRRO)

shil baabuurHargeysa (SLpost)- Ilaa shan qof ayaa ku geeriyooday, lix kalana way ku dhaawacmeen shilal baabuur oo maanta ka dhacay wadadda u dhexeysa Berbera iyo Hargeysa ka dib markii ay isku dhaceen.

Shilkan labada gaadhi ayaa ka dhacay  meel u dhow Tuuladda Lafa ruug iyo Xamaas, waxaana la sheegay inay labadan gaadhi kala ahaayeen baabuur loo yaqaan Surf-ta iyo gaadhi land cruiser, kuwaas oo midna ka yimid Berber ka kalana Hargeysa ka tagay, waxaana dhaawacii la geeyey cisbitaalka Berbera ee gobolka Saaxil.

Shil2Sidoo kale, shil isna khasaare weyn geystay ayaa laba cisho ka hor ka dhacay galbeedka magaaladda Hargeysa, gaar ahaan wadadda isku xidha Hargeysa iyo Gabiley kaas oo ay ku dhinteen shan qof, halka toddoba kalana ku geeriyoodeen, waxaana ka mid ahaa dadkaasi geeriyooday madaxda sare ee shirkadda SOMCABLE oo Somaliland ka wadda mashruuc balaadhan oo xaga Internetka ah.

Shilalka gaadiidka ayaa si weyn ugu soo badanaya Somaliland, isla markaana keenna khasaare aad u badan.

SOMALILANDPOTS.NET