Khasaare Baahsan oo ka dhashay Roobab Duufaanno wata oo galabka ka da’ay Hargeysa iyo Koronto la’aan baahsan oo ka jirta Caasimadda

NewsHargeysa (SLpost)- Roobab Duufaanno wata oo maanta gelinkii dambe ka da’ay magaalada Hargeysa, ayaa sababay Khasaare isugu jira dhimasho, dhaawacyo iyo burbur uu u geystay dhismayaal faro badan.

Roobabka duufaannada wata oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwii ugu horreeyey noocood ee inta la ogyahay ka da’ay magaalada Hargeysa, ayaa bilaabmay abbaaro 5:15 gelinkii dambe ee maanta, kuwaasoo socday ilaa wakhti yar ka hor xilliga Afurka saacadda magaalada Hargeysa.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay roobabka duufaannada wata, haseyeeshee waxa ay wararku sheegayaan ilaa saddex qof oo dhismayaal ku dumeen ayaa ku geeriyooday, halka ay tiro beeleen dadka dhaawacyadu ka soo gaadheen ee la geeyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa balse lama oga tirada dadka dhaawacyada ka soo gaadheen khasaaraha roobabka ka geysteen magaalada Hargeysa.

Roobabka ayaa khasaare u geystay dhismayaal tiro badan oo isugu jira kuwa shacabka iyo kuwa dowladda, waxaana burburka soo gaadhay dhismayaasha u badan dugsiyada Dowladda oo dabaysha roobku ka qaadday jiingadda, halka sidoo kale ay jiraan dhismayaal roobku dumiyey.

Waxa kale oo roobabku khasaare u geysteen biraha korontada iyo telefoonada ku xidhan yihiin kuwaas oo dhammaantood ku soo dumay jidadka waaweyn ee magaalada, waxaanay tani sababtay in 90% ay magaalada Hargeysa caawa noqodo koronto la’aan. Sidoo kale roobabka ayaa khasaare u geystay taawarrada shirkadaha is-gaadhsiinta iyo telefoonnada.

Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa immika ka hadal khasaaraha ka dhashay roobabka duufaanta wata, in kasta oo ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo gurmad ah oo ay wadaan shaqaalaha gurmad caafimaadka cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha.

SOMALILANDPOST.NET