Khasaaraha shil-baabuur oo maanta Hargeysa ka dhacay + Magacyada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay

Hargeysa (SLpost)- Alle ha u naxariistee Marxuum- Jaamac Muxumed Magan iyo Marxuum-Biixi Xasan Cali ayaa geeriyooday ka dib markii gaadhi nooca waaraadka loo yaqaanaa galay meherad laga cunteeyo oo ay ku sugnaayeen oo ku taalla isgoyska dugsiga Maxamuud Axmed Cali ee Magaalada Hargeysa .
Shilkan waxa kale oo ku dhaawacmay sideed qof oo kale oo magacyadoodu kala yihiin Cumar Cilmi Faarax oo 80 jir ah, Yuusuf Maxamed Daahir, Cabdilaahi Aadan Ismaaciil, Najax Cabdi Bashiir, Maxamuud Xuseen Xandulle, Xasan Yuusuf Yaasiin , Casayr Xareed, waxaan la helin qofka sideedaad.
Ma jirto war ka soo baxay ciidanka Nabadgelyada wadooyinka oo ay kaga hadlayaan shilkan iyo waxyaabihii sababay.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu dawanayaa cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Shilalka gaadiidka ayaa sanadihii u dambeeyay ku soo badanayay gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, waxana inta badan ciidanka Boolisku ku sababeeyaan shilalka laba qodob, kuwaasi oo kala ah waddo xumo iyo xirfad la’aanta waddeyaasha gaadiidka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net