Khasaaraha Qaraxyo Daran-doorri ahoo maanta Gilgilay Magaalada Muqdisho iyo Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarradaas

Muqdisho (SLpost)- Qaraxyo kala duwan, khasaare nafeedna sababay, ayaa maanta gigilay qaybo ka mid ah magaalada Muqidisho ee Xarunta dalkaasi Soomaaliya.

Qaraxyadan oo ay fuliyeen naftood hurayaal walxaha Qarxa isku soo xidhay, ayaa sidoo kale waxa weheliyey weerarro loo geystay meelo ay ka mid yihiin maxkamadda gobolka Banaadir oo ku gudo-jirtay hawl-maalmeedka caadiga ah iyada oo dadweyne badan ku sugnaayeen.

Kooxo hubaysan, ayaa xoog ku galay Gudaha Maxkamadda, iyada halkaas ay ka bilaabmeen is-rasaasayn dhex-martay kooxdaas iyo ciidamadii ammaanka ee Maxkamadda ku sugnaa.

Daryanka Rasaasta iyo Qaraxyada ka dhacayay Gudaha Maxkmada Gobolka Baaadir ayaa ahaa kuwo si weyn looga maqlaayo Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, gaadhi nooca loo yaqaano Leyla Calaawi oo laga soo buux dhaafiyey waxyaabaha Qarxa ayaa ku qarxay Maxkamadda iyada oo uu weli socda is-rasaasaynta dhexmartay dableyda iyo ciidamada, iyada oo wakhti kooban ay kooxdaasi la wareegeen xarunta Maxkamadda ka hor intii aanay ciidamada Amisom iyo kuwa dawladda Soomaaliya soo gaadhin goobta.

Khasaaraha dhimashada ka dhashay weerarka iyo Qaraxa Maxkamadda ayaa ilaa hadda inta la ogyahay lagu sheegay inay kordhaafayaan 20- qof halka dhaawacuna tirabeelay.

Dhanka kale, Gaadhi la sheegay in laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa gelinkii dambe ee maanta ku qarxay agagaarka waddada isku xidha garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska Km4 ee magaaladaas. Wararka Qaraxan la xidhiidha ayaa la sheegay in lagu fuliyey gaadhi walxaha qarxa laga buuxiyey oo uu waday nin naftii hure kaas oo lagu dhuftay gaadhi kale oo ay wateen howlwadeeno ka tirsan heyadaha dowlada Turkiga oo halkaas marayey, waxaana halkaas ku dhintay laba ka mid ah shaqaalaha Turkiga oo meydkooda laga soo saaray gaadhigooda oo gubtay.

Kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirtay dawladda Soomaaliya, ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyada iyo weerarada mowjadaha ah ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

SOMALILANDPOST.NET