Khasaaraha Mudaharaadyo ujeedooyin kala duwan oo maanta gilgilay magaalada Laascaanood

Laascaanood, 21 January, 2012 (SLpost)- Mudaharaad rabshado wata oo ujeedooyin kala duwan xambaarsan ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood kaas oo Inta la ogyahay sababay dhimashada laba qof halka saddex qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Mudaharaadayasha oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa maanta albaabada u xidhay oo burburiyay qaar ka mid ah meheradaha magaalada. Banaan baxeyaashaasi waxa la sheegay inay ku dhawaqayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayeen Hoggaamiyihii SSC Saleebaan Xaglo-toosiye ee shalay qaadacay natiijadii ka soo baxday shirkii Taleex oo uu ku tilmaamay mid ay majaro habaabiyeen rag kooban oo qasdi iyo dano siyaasadeed oo gaar ah leh.

Dadkii banaan baxan ka qeyb galay waxay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay ku taageerayeen Saleebaan Xaglo-toosiye, waxaanay cambaareynayeen Shirkii Taleex, halka qaar kalena ay soo dhaweeyeen natiijadii shirkaasi.

Labadan qof ee dhintay iyo sadexda ku dhaawacday ayaa la sheegay inay xabado ku dhaceen ka dib markii mudaharaadeyaashu ay burburiyeen dhawr meheradood oo ku yaala badhtamaha magaalada kuwaasi oo ay diidanaayeen inay shaqeeyaan. Waxaana ciidanka Boolisku ay isku dayeen inay dadkaasi kala dareeriyaan hase yeeshee banaan-baxeyaasha ayaa shiiday ciidanka ka dibna waxa boolisku ku ridayeen rasaas.

Siday sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ammaanka aad loo adkeeyay gelinkii dambe ee maanta waxaana dib loo furay meheradihii Ganacsiga ee saaka albaabada loo xidhay markii rabshaduhu ka bilaabmeen

Somalilandpost News

Somalilandpost.ne