Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Galmudug Iyo Puntland Ku Dhex-maray Gaalkacayo

(SL.Post) Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo saakay dib uga qarxay Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kaasoo weli socda, iyadoo dagaalladu ay weli socdaan.

Tirada dhimashada dagaalka maanta ayaa waxaa HOL u xaqiijiyay Ilo lagu kalsoon yahay, iyadoo dagaalkaan uu ka socda qaybo Gaalkacyo oo ay Toddobaadyadii lasoo dhaafay ay dagaalladu ku dhexmarayeen ciidammo kala taageersan Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Xaafadaha Magaalada Qaarkood ay hub kala duwn oo culus lagu garaacay, kuwaasoo ay isku adeegsanayaan labadan dhinac ee diriraya, iyadoo Isbitaallada Waqooyiga iyo Koonturta Degmada Gaalkacyo la dhigay dhaawacyadii ka dhashay dagaallada maanta socda.

Dhanka kale, Dagaallada ka socda Magaalada Gaalkacyo oo galay Todobaadkii Saddaxaad ma jirto cid wali si toos ah u kala dhex-gashay labada dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyo ee Galmudug iyo Puntland. Laakiin waxaa jira Heshiisyo Hordhac ah oo aan wax guul ah laga gaarin, waxaan dagaalku si iskiis ah uu u is-taago marka dhinacyada Dagaallamaya ay kala guranayaan dhimashada iyo dhaawacyada.

Marka laga so tago baaqyada nabadeed ee ka imaanaya Culummada, Shacabkii Barakacay oo ku dhibaataysan tuulooyinka iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland C/llaahi Fartaag, Ma jirto cid kale oo Dagaalladan sidii lagu joojin lahaa dadaal ku bixinaysa.

Ugu dambayn, Dagaaladan ka socda Gaalkacyo, Waxaa ku barkaacay 50,000 oo qof sid ay dhawaan shaacisay Hay’ada QM u Qaabilsan Qoxootiga Dunida ee UNHCR. waxaan xiran goobihii ganacsiga iyo dugsiyadii Waxbarshada.

 

Somalilandpost.net