Khasaaraha ka dhashay Dab ka kacay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Dab ayaa gelinkii dambe ee maanta ka kacay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacy’gelinta Somaliland, waxaana ka dhashay khasaare baaxad leh oo sababay gebi ahaanba shuf beelo Xafiiska Waaxda Is-gaadhsiinta ee Wasaaradda.

 

Radio Hargeysa

Sida uu xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Sarreeye Guuto Axmed Maxamed Sawaaxili oo saxaafadda la hadlay kaddib markii ay Ciidanka Dab-demisku ka hawl-galeen Bakhtiinta Dabka, dabka ayaa khasaare u geystay xafiiska oo gebi ahaanba shuf-beelay, waxaanu ku sababeeyey khasaaraha baaxadda leh ee soo gaadhay xafiiska oo aanay markaa cidi ku sugnayn isla markaana xidhnaa.

Haseyeeshee, taliyuhu ma sheegin waxa uu dabku ka dhashay iyo haddii ay jirto tuhun ah inay Cid ka dambaysay dabka khasaaraha sababay.

Sidoo kale, waxa uu taliyuhu sheegay in Ciidamada Deb-demiska ee goobta soo gaadhay ay ku adkaatay inay markiiba gudaha u galaan Qiiqa goobta ka baxayay oo aad u weynaa awgeed.

 

Sareeye Guuto Maxamed Sawaaxil, waxa uu intaas ku daray in ciidanka dab-demisku markii dambe ku guulaysteen Xakamaynta dabkaas si aanu ugu sii fidin qaybaha kale ee Wasaaradda.

 

Xafiiska Dabku ka kacay ayaa ah waax cusub oo dhawaan lagu soo kordhiyey Wasaaradda Warfaafinta, kaas oo qaabilsan Xog-ururinta iyo la-socoshada Wararka ay baahiyaan Warbaahinta Madaxa-bannaan ee ka hawl-gasha dalka.

Somalilandpost.net

Somalilandpost@live.com