Khasaaraha ka dhashay Booyad Shidaal oo ku Qaraxday meel u dhow Xarunta Ciidamada Sirdoonka ee magaalada Hargeysa (CODKA + SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Inta la ogyahay Hal Qof ayaa ku geeriyooday, laba kalena way ku dhaawacmeen Qarax ka dhashay Booyad Shidaal ah oo maraysay meel u dhow xarunta Ciidanka Sirdoonka Somaliland ee Xaafadda Shacabka Hargeysa, halka laba guri oo kale ku shuf-beeleen qaraxii ka dhashay booyaddaa Shidaalka Sidday, sida uu sheegay taliyaha Booliska Somaliland.

0002Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa darawalkii waday booyadda Shidaalka ah, halka labada qof ee ku dhaawacmay midkood yahay Kirishboygii la socday iyo wiil yar oo ka ag-dhowaa goobta booyaddu ku qalliban tahay.

Gaadhiga Booyadda ah ee Shidaalka sidday oo ka soo dhaadhacday dhinaca Buurta Xaafadda Xero-awr ee degmada Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargeysa, ayaa ku dhacday Guri ku dhaw xarunta Sirdoonka Somaliland ee Hargeysa.