Khasaaraha Dagaal degmada Xuddun ku Dhexmaray Ciidamada Qaranka iyo Maleeshiyada Khaatumo

General Shaqalle

Xuddun (SLpost)- Ciidamada Qaranka ee Jiida Xudun ayaa dhirbaaxo kulul kaga jawaabay Weerar gardaro ah oo ay ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Isku Magacaaba Khaatumo isla markaana kaga qabsaday Gaadiid Tikniko ah,kuwo Xamuul ah iyo Maxaabiis.

General Shaqalle
General Shaqalle

War qoraal ah oo uu ku saxeexan yahay Taliyaha Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) ayaa lagu sheegay in maanta Saacadu markay ahayd 1:45 duhurnimo ay Jiida Xudun ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaranku ku soo gardaroodeen Maleeshiyaadka Nabad-diidka ee Khaatumo isku magacaaba ,isla markaana ay dagaalkaas kala kulmeen Jab iyo halaag, lana eryayMasaafo dhan 40Km .

Taliyaha Ciidamada Qaranku mar uu ka hadlayay Khasaaraha ay soo gaadhsiiyeen Maleeshiyaadkaas waxa uu Xusay inay Ciidamada qaranku ku qabteen hawlgalkaas Laba Gaadhi oo Tikniko ah,Mid Xamuul ah iyo Dhawr iyo Toban Maxaabiis ah.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somailand Jeneraal Ismaaciil Maxamed Cismaan Shaqale waxa uu khasaaraha dhanka Ciidanka Qaran ku sheegay dhaawacyo soo gaadhay  Laba Askari.

Waa markii labaad ee sannadkan cusub ay maleeshiyaadka nabad-diidka ee la baxay Khaatumo weerarro gaadmo ah ku soo qaadaan ciidanka Qaranka Somaliland, iyaga oo weerar ay horaantii bishan kala kulmay khasaare baaxad leh oo la soo gaadhsiiyey.

Somalilandpost/Hargeysa