Khasaaraha Dadka ku dhintay Rabshadaha Ethiopia oo kor u kacay iyo Wararkii u dambeeyey

 

Addis Ababa (SLpost)- Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya waxa toddobaadkan lagu dilay dad tiradoodu gaadhayso 67 qof intii ay socdaan banaabax looga soo horjeedo Ra’isul wasaaraha dalkaas oo ka dhacay caasimadda Addis Ababa iyo Magaalooyin kale.

Saraakiil ka tirsan booliiska oo u waramay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijiyay in dabad-baxyada rabshadaha watay ee maalmahaan ka socday dhulka Oramada ay ku naf waayeen ilaa 67 ruux, iyadoo ay rabshadaahii maanta madaxa la galeen maalintii seddaxaad.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in laga dilay 5 Askari, waxayna intaas ku dareen 13 ka mid ah dadka la dilay in lagu dilay rasaas halka inta kalana ay ku dhinteen rabshadaha iyo dhagxaantii la isku tuurayey.

Khariiradda Ismaamulka Oromada Ethiopia

Rabshadahan oo markii hore ku bilawday eedaymo uu Jawar Mohammed usoo jeediyay dawlada Abiy Ahmed ayaa haatan isu-beddalay iskudhac qoomiyadeed iyo meelaha qaarkood mid diimeed.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay 68-qof oo lala xadhiidhinayo kicinta shaqaaqoyinkii ka dhacay caasimadda ismaamulka Oromada ee Adama, iyadoo duqa magaalada Adama oo warbaahinta la hadlayna uu sheegay in dadka la qabtay looga shakisan yahay dilalkii, boobkii iyo goobihii cibaadada ee lagubay.

Jawar Maxamed oo ah ninka sababta u ahaa in ay qarxaan rabshadaha hadheeyay deegaanada ismaamulka Oromiya ee dalka Itoobiya oo la hadlay Reuters, waxa uu eedeyn u jeediyay Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo uu ku tilmaamay Kaligii-taliye.

Jawar Maxamed – [Sawirka: Tiksa Negeri/Reuters]
Jawar Maxamed ayaa ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa.

Jawar Maxamed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubinta ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo dalka gudahiisa ka sameeyey mudaharaadyo sababay isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca dalkaas, gaar ahaan waxaa si gaar ah uu ugu soo caan baxay jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, taasoo sababtay inuu is-casilo raysa-wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn oo uu xilka kala wareegay Dr Abiy Axmed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda qowmiyadda Oromada.