Khasaaare ka dhashay roobab waaweyn oo ka da’ay Gobolka Saaxil

Berbera (SLpost)- Lix qof ayaa ku geeriyooday kuwa kalana illaa hadda lama hayo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, ka dib markii Roobab xooggan oo dabaylo wataa ay maalmihii u dambeeyey ka da’ayeen deegaanno kala duwan oo ka tirsan Gobolka Saaxil.

Sida ay xalay faafisay Idaacadda Raadiyoow Hargeysa, Roobabka dabaylaha wata ayaa ka da’ay Tuulooyinka Boodale, Hundisa iyo Galoollay oo ka wada tirsan gobolka Saaxil, kuwaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed. Waxaana degaanka Boodale khasaaraha ugu badani ka soo gaadhay Roobabkan dabaylaha xooggan wata.

Xubno ka socday Guddiga abaaraha ee heer gobol ayaa shalay soo kormeeray Tuulooyinka ay Roobabkan khasaaraha u geysteen. Badhasaabka gobolka Saaxil ayaa ugu baaqay Hay’adaha Samafalka, Xukuumadda Somaliland iyo Ganacsatada dalku inay gurmad degdeg ah la gaadhan dadka ku dhaqan degaannada ay Roobabkaasi khasaaraha gaadhsiiyeen.

Warku wuxu intaa ku daray in dadka la waaweyey ay baadi goobkooda ku jiraan dadka deegaannadaas iyo ehelooyinkoodu. Roobabkan oo maalmihii u dambeeyey ka da’ayay magaalooyinka waaweyn ayaa waxay keeneen khasaare  isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan.