“Kharashka badan ee ay dawladdu gasho ayaa keenaya sicir-bararka” Xasan Guuure

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Xasan Guure ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay masuul ka tahay sicir-bararka sii kordhaya ee saameeyay bulshada iyo ganacsatada.

Xasan Guure ayaa sidoo kale naqdiyay nidaamka ay xukuumaddu baryahan dambe ku hawllanayd ee la xidhiidha sidii loo xoojin lahaa isticmaalka shilling-ka Somaliland.Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga oo Khilaafka Sharci ee waddanka ka jira ku sababeeyey Masuuliyad-darro hay’adaha Dawladdu horseed  u yihiin

Guddoomiyaha Madasha ayaa sheegay in sicir-bararka sababtiisa ugu weyn ay leedahay kharashka faraha badan ee ay dawladdu gasho, waxaanu yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya. “Sannadkii 1997-kii ayaa ahaa wasiirka ganacsiga wuxuu sameeyay barnaamij la yidhaahdo cumlada, raashinkii ay dawladdu la wareegtay, waxaanay yidhaahdeen baayac-mushtariga aynu doolar siino, adduunkana meel ay waxaasi ka shaqaysaa ma jirto, taasi waxay keentay in saddex maalmood gudahood Hargeysa wax la cuno la waayay, markaad hudheel soo gasho ee aad tidhaahdo nafar isii waxa la odhan jiray ma kii Warancadaanu ku siinaa, mise mid kale, ka Warancade wuxuu ahaa mid qarax ah oo waxba aan lahayn, sicirka suuqa sayladiisa ayaa goysa, haddii sayladiisa la horjoogsado nidaamkaasi wuu burburaa, wixii dawladda Soomaaliya burburiyay waxay ahayd waxay yidhaahdeen waxaanu xukumaynaa sayladda, cuntada iyo lacagta dadka.”

Waxa uu intaas ku daray Guddoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata. “Waxaan leeyahay waxba tari mayso faro-gelintan dawladdu, haddii ay doonayso inay wax samayso dawladdu ha dhinto kharashkeeda, waayo qofka masuulka ahi haddii uu Burco tagayo doolar baa la siiyaa, markaa shilinka dawladdiiba diiday maxaa dadka ku qasbaya, waxaanan leeyahay kharashka badan ee ay dawladdu gasho ayaa keenaya sicir-bararka.”

Somalilandpost.net