Baarlamaanka Muqdisho oo Baafinaya Cali Khaliif Galeydh oo Durbaano colaadeed ka Garaacaya deegaanno ka mid ah gobolka Sool

cali khaliif galaydhMuqdisho (SLpost)- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baafinaya tiro Xildhibaano uu ka mid yahay Cali Khaliif Galaydh oo la sheegayo inay ka baaqsadeen ka qeybgalka fadhiyada, looguna baaqay inay la soo xidhiidhaan xoghaynta Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlayey fadhi uu shalay lahaa baarlamaanku ayaa sheegay in xildhibaanada uu magacooda sheegi doono la soo xidhiidhaan xoghayta baarlamaanka, kana mid yihiin Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh, Xildhibaan Cabdi Cali Xasan, Xildhibaanad Sahra Jaamac Cali Qoorsheel.

Inkastoo aanu caddeyn sababta loo baafinayo, ayaa dhinaca kale xildhibaanadii fadhiyey madasha qaarkood ku sheegeen in magacyada uu xaadiriyey xildhibaanad ku jirta ay xanuunsanayso, taasoo ka dhigaysa inay yihiin dhamaan magacyada la xaadiriyey xildhibaan aan ka soo qeybgelin fadhiyada baarlamaanka.

Cali Khaliif Galaydh oo ugu horeeyey liiska xildhibanada uu shalay baafimayey Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wakhtigan la sheegayaa inuu ku mashquulsan yahay abaabulka shir uu ka qorshaynayo magaalada Taleex oo lagaga soo horjeedo nabadgelyada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET