Khadra Xaaji Geydh waslad dhayman ah oo kasoo baxday golaha deegaanka Gebiley

Lagasoo billaabo 2003-dii Desember oo kubeegneyd markii ladoortay golayaasha deegaanada dalka waxaa iska so daba baxay dhaliilo farabadan oo ku aadanaa waxqabadla’aanta golayaasha ladoortay dhaliilahaas waxey kusahabsanaayeen xilgudasha la aantooda iyo masuuliyada ay umada uqaadeen oo ay kadoor bideen danahooda gaar ahaaneed.

Shantii sano ee  uhoreysay ee ay ku eked doorashooyinka golayaasha deeganada dalka oo ku beegneyd 2008-dii may jirin golo kaliya oo la odhankaro waxbuu qabtay markii laga reebo golaha deegaankii berbera kaasooo isaga laftiisa seddex guddoomiye iska badaleen ahaana golaha kaliya ee wax qabad muuqda muujiyay isla markaana deyn farabadan oo ay katageen shan gudoomiye oo qaarkood kahoreeyen doorashooyinkii deegaanada  1.8 bilyan  oo deyn ah waxaana bixiyay marxuum siciid daa,uud cilmi oo 15/12/2008 shil gaadhi ku geeriyooday  wadad isku xidha Hargeysa iyo berbera.

Marka aynu eegno golaha deegaanka gabiley oo ay isleeg yihiin golaha deegaanka berbera ayaa waxaa uu safka hore kaga jiray ama uu kaalinta koowaadba kaga ka Galay golayaasha waqtigoodii kulumiyay buuq iyo qeylo  waxaana la odhan karaa waa golaha ugu liitay golayaasha deegaanda dalka marka la eego dhinaca wax qabadka iyo dhinaca karaamada marka laga reebo dhowrkii bilood ee udambeeyay ee ay xilka gudoomiyaha golaha deegaanka Gabiley haysay Marwo Khadra Xaji Ismaaciil Yoonis(khadra Xaji Geydh),

Golaha deegaankii gabiiley waxaa xilka gudoomiyanimo isaga dambeyay shan gudoomiye oo kala ah

1-    Muxumad Geele Seed

2-    Cabdiqaadir Axmed Cumar

3-    Maxamed Cabaas Jaamac

4-    Xuseen Jameeco

5-     Iyo Aadan Muxumda Bade

Imikana waxaa xilka gudoomiyenimo haysa Marwo Khadra Xaji Ismaaciil Yoonis(Khadra Xaji Geydh) waxaa xusid mudan in shantaa gudoomiye ee iska bedelay golaha deegaanka gabiley aanu kujirin mid kaliya oo katagay wax qabad iyo hormar lagu xasuusan karo oo dadku degaankuna kuxasuusan karaan waxaa taas kasii daran midkastana maalinta uu xilka wareejiyo wuxuu katagi jiray deyn qeyrul caqliya  iyo mushaarka shaqaalaha oo intaasoo bilood aanu bixin deynta ay Katagaana lama yaqaano waxa ay kaga baxday illaa maantana deyntu wey dhextaalaa waxayna kamaqantahay dadka masaakiinta ah ee reer gebiley .

Waxaa xusid gaar ah mudan 21 xubnood oo golaha deegaanka ee gebiiley marka laga reebo 4 xubnood oo kaso baxay dagmada alleybaday in 17 xubnood ee kale ay kasoo jeedaan degmada gebiiley  isla markaana ay beel kaliya kasoo jeedaan jibriil abukor . taasoo ay kamuuqato xaqsoor la aan beelaha deegaanka wada daga xiligii doorashadana laga galay duudsi iyo cadaalad darro dhinaca doorashada iyadoo indhaha laga qarsaday beelaha kale ee deegaanka kasoo jeedaa xuquuqdooda dastuuriga ahaana laduudsiyay  meelna lagaga dhacay,

Hadaba xaqsoor la aanta kamuuqata golaha deegaanka ee gebiley maaha mid ku kooban kaligii balse waa mid kamuuqata golayaasha deegaanada dalka oo beela badan lagu duudsiyay natiijadii kasoo baxdayna waxay noqotay  taariikhda madoow oobay kusagootiyayaan mudada ay xilka hayeen.

Golaha deegaanka ee gebiley waa golaha labaad ee ugu daqliga badan golayaasha dalka marka laga reebo golaha deegaanka berbera ,

Kastamka labaad ee dalka ee kalabeydh wuxuu kaqaataa ama uga soo xarooda 10% dakhliga wasaarada maalyada waxaana u dheer canshuurta sayladaha xoolaha ee wajaale iyo alleybaday  iyo kuwo kaloo badan.

Shantaa  gudoomiye oo aan horay usoo xusnay daqliga kasoo xaroon jiray oo ahaa mid xad dhaaf ah waxay kuqabteen daaye dayn bey wareejiyeen mana jirto taako dhula oo ay dhiseen  intaa waxaa dheer dhulkii danta guud  majirto meel bad baaday hadey School tahay hadey hospital tahay dantii guud ayay iibiyeen mid walba intuu kasoo gaaray ayuu xaraashay oo ku tagri falay,

Waxaa nasiib darro inteeda leeg ah hantida intaa leegeyd ee usoo xaroon jirtay waxey kubixijirtay hebel iska celi iyo wasaarada arimaha gudaha iyo badhasaabada gobolka maroodi jeex iyagoo wadan lahaa iney kuwa mucaaradka ah ee doonaya inay xilka kaqaadaan kajoojiyay shirarka ay dalbanayaan taana waxaa marqaati u ah lacagta usoo xaroota  waxaa inta baabuur hargeisa lagasoo diray ayaa bangiga gebiiley laga soo qaadi jiray waxaana qadan jiray raga aanu kor kusoo sheegnay waxey garan waayeen jid yaroo laamiya oo magaalada dhex mari jiray inay kudayactiraan ,

Hadaba waqtigan xaadirka ah ee ay gudoomiya katahay Khadra Xaji Geydh oo mudo lixbikood kayar heeysay xilka gudoomiyenimo ee golaha deegaanka  gebiiley ayaa waxey muujisay waxqabad muuqda oo indhah caafimaadka qaba ay kufarxayaan oo ummadda reer gebiiley horumarka jeceli ay kufaraxsanyihiin isla markaana waxey daboolka kaqaaday oo ay fashilisay hantidi usoo xaroon jirtay degmada gebiiley iyo musuqmaasuqii lagula bixi jiray waxayna noqotay waslad dhayman ah oo ku dhex qarsooneyd golaha deegaanka gebiiley iyado wax qabadkeeda iyo daacadnimadeedu ay dhaxal siisay in lamajiirto oo saxaafad iyo golayaasha lagu kulmo lagu hadal  hayo cidkastaana ku amaaneyso iyadoo muteysatay boqolaal shahaado sharaf oo umada horumarka jeceli ay kumaamuuseen ,

Waxaa kaloo xusid mudan in waqtigan xaadirka ah ay jiraan hadallo kasoo baxaya dadka qaarkood oo laguna sheegayo in golaha deeganka ee gebiley uu fadhi yeelanayo kaasoo ay kudoonayaan ineey xilka kaga xayuubiyaan Khadra Xaji Geydh oo kamudan dadka reer gebiiley inay taalo udhisaan iyadoo nool Daacadnimada ay kushaqeysay darted ,

Waxa wax laga naxa ah  in raga kamida golaha deegaanka isla markaana shanta gudoomiya ee xilalka soo qabtay kii ugudambeeyay ayaa waxaa lagu soo eedeeyay arimo musuqmaasuq iyo kutagrifal hantida qaran taasoo wasaarada Arimaha gudaha iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranku intay golaha deegaanka fariisiyeen eedaa musuqmaasuqa lagu soo oogay sharaftii xildhibaanimo dhowrsanaatii iyo gudoomiyenimadii goala halkaa lagaga xayuubiyay dacwadiina  lagu biillaabay iyadoo ilaa waqtigaa aanay jirin wax go’aan ah oo kasoo baxay sidaana loogu wareejiyay gudoomiyenimadii golaha deegaanka ee Gabiley Marwo Khadra Xaji Ismaaciil Yoonis(Khadra Xaji Geydh),

Waxaa jiray arin ay umada reer gebiiley ay siweyn uga xumaadeen bulshadana ku keentay kala qeybsanaan dhexdeeda ah kadib markii ay soo baxday warar sheegaya in madax dhaqamedyo reer gebiley ah ay madaxtooyada galeen kana dalbadeen madaxweynaha arimo dhowr ah oo ay kujirto in golaha deegaanka gebiley loo ogolaado iney fadhi yeeshaan si ay oga qaadaan xilka gudoomiynimo Khadra Xaji Geydh oo aynu soo sheegnay waxqabadkeeda mudada yar ee kooban iyo daacadnimadi ay ugu adeegtay dadka reer gebiiley iyo wax qabadka ay muujisay miyey istaahishaa in layidhaahdo waxa xilka looga qaadayaa wax qabadka ay muujisay ?  mase waxaynu nidhaahnaa madax dhaqameedyadi reer gebiley waxaa u cuntami waayay wax qabadkan ay Khadra Xaji geydh latimid ? waxaa kaloo ay dad badani isweydiinayaan xubnaha doonay inay xilka gudoomiyenimo ay markale kunoqdaa miyaaney ahayn kuwii ceebta wehelka unoqday miyaaney dib isku aqriyin waxay kaga tageen waxaysa ahayd in qofkastaa xisabtamo inta aaney umadu laxisaabtamin  waxaa xusid mudan rag dhowrsoon oo golaha degaanka gebiiley kujira oo diyaar u ah inay uhiiliyaan horumarka iyo waxqabadka ay muujisay gudoomiya golaha deegan gebiiley ee waqtigan kuwaasoo intooda badani diyaar u ah hadii goluhu fariisto iskuna dayaan in cod looqaado inay codkooda kudifaacaan horumarkaa ,

Waxaan kusoo gabagabeynayaa qoraalkeeyga in sooyaalka taariikheed ee deegaanka gebiiley ay xildhibaanada golaha deegaanka oo waqtigoodu gabagaba yahay inaanay cimroogada ceeb kusagooteen ee ay garab galaan xaqa iyo cadaalada isla markaana ay taalo udhisaan lagu xasuusto marwo khadra Xaji Geydh ,

Wabilaahi Tawfiiq

 Maxamed Ismaaciil Cumar(Maxamed-biid)

Hargeysa Somaliland