Khadra Xaaji Gaydh: Shakhsi ka soo baxday hawsheeda oo ku suntanaan doonta taariikhda Gabiley

Dagmadaan ku noolahay

Nin dillaala mooyee

Nin daryeel yidhaahdaa

Duli buu ka qoran yahay.

Daba Taxan: Abwaan Gaariye

Aduunyadan aan ku nool nahay waxaa la isku qadariyaa oo la isku maamusaa guulaha aad ka gaadhay noloshaada iyo mida aad ku soo kordhiso bulshadaada, taasina waa ta bulshadu horumar ku gaadhi karto hadiise aan la hanbalyayn qofka mutaysta waligeen kob caano leh ka soo biyo cabi mayno.

Sikasta oo ay ahaataba waxaa dhaqan u ah in cid walba oo hormar iyo guulo la taaban kara hiigsanaysa in loo hanbalyeeyo oo lagu dhiiri galiyo wax qabadkaa uu qabtay si ay ugu noqoto miqiyaas uu ku cabiro waxqabadkiisa iyo sida loogu riyaaqsan yahayba, hadaba waxaan la iska indho tiri Karin waxqabadka la taaban karo ee ay ku talaabsatay gudoomiyaha gobalka Gabiley Khadra xaaji gaydh.

Iyada oo tusaale u noqotay maayarada gobalada kale ee Soomaliland in ay ku daydaan oo ay ka eegtaan waxqabadkeeda, taasina waa ta keentay in madaxwayne Siilanyo ku soo qaado talaabada hormarka leh ee ay khadri  gaadhay intii ay xilka haysay khudbadii sanadlaha ahyd ee dastuurku u siiyay inuu kula hadlo labada gole.

Tan iyo markii dalka lagu soo noqday waxaa Gabiley mayor ka noqday ku dhawaad tobaneeyo mayor oo dhamaantood in doora hayay xilkaasi balse aan ka tagin shay kaliya oo lagu xasuusto oo dhaxal gal u ah dadwaynahah amaba  soo jiita indhaha  bulsho waynta ree gabiley, xataa iska daa soo jiidashe ee qofna muu soo hadal qaadi jirin, balse maanta oo ay la wareegtay Khadra H. Gaydh  ayaa waxay noqotay hoy dadwaynaha ree gabley wada dhugtaan oo ay afka ka qaadi waayaan hormarka balaadhan ee ay ku talaabsatay gabadhii ugu horaysay ee mayor dalka ka noqota iyadoo u jeexday tobiyo suuban oo mayorada ka danbeeyaa ku hiran doonaan oo ay is waydiin doonaan maxaa lagugu xasuustaa ee aad soo kordhisaa????

Haddaan jaleecno waxqabadyada taariikhiga ah ee lagu xasuusan doono Khadra oo mudo ku dhow sanad gudaheed ku qabatay dhisida wadooyin dhexmaraya badhtamaha magaalda Gabiley oo aanan waligayna ku riyoon mayor ayaa dhisi balse hada noqotay dhab, sidoo kale waxay dayactir ku samaysay dawlada hoose ee Gabiley oo tan iyo lixdankii aan dib loo eegin, kasakow dayactirka dawlada hoose waxay ku soo kordhisay  hool wayn oo la mid ah kuwa ugu waawayn Somaliland oo si wanaagsan loo qalabeeyay.

Bal aan eegno Gabadh ka tirsan dadwaynaha ree Gabiley oo ka hadlaysa hormarka gobalku ku talaabsaday ee hormuudka ay u tahay Khadra X. Gaydh” tan iyo lixdankii oo aan joogay wali tanoo kale maan arag, albaabka dawlada hoose illaa wakhtgii ingiriiska ayuu sidaa ahaa maantana waadigaa arkaya quruxda iyo bilicda ka muuqada guud ahaan dawladii hoose”

geesta kale waxay hada gacanta ku hayaan oo gabogabo ah guriga martida oo ah mid si wayn gobalku uugu baahnaa kaasi oo noqon doona in ay ka raysan doonaan guryihii kirada loogu jiray ee loo isticmaali jiray martida.

Guntii iyo gabagabadii waxay tani anfariir iyo af kala qaad ku noqonaysaa cid walba oo aan jeclayn hormarkan la gaadhay iyagoo  miciinsan doonaan guux iyo hadalo dhiilo ah oo aan la jeclaysan

Waxaan u soo jeedinayaa ree Gabiley inay  raacaan toobiyaha hormarka ah ee maamulku wado lagulana xisaabtamo wax walba oo qalada oo dhinacooga ka yimaada si sharaf iyo xushmadi ku jirto, sidoo kale lagu taageero oo lagu bogaadiyo waxqabadka indhaha aan laga qarsan Karin ee ay ku talaabsadeen.

Wa bilaaahi tawfiiq

Mustafe Muxumed Cade

Email:mustafemx@hotmail.com

Hargaysa, Somaliland