Khabiir Maraykan ah oo soo bandhigay Faa’idada iyo Khasaaraha ku jira in Qadiyadda Somaliland la Horgeeyo Maxkamad Caalami ah

 

Hargeysa (SLpost)- Khabiir Maraykan ah oo takhsusay Arrimaha Qaaradda Afrika, ayaa ku dooday Somaliland guul-darro kala kulmayso haddii ay qadiyaddeeda gayso Maxkamad caalami ah, haseyeeshee waxa uu iftiimiyey inay jirto faa’ido dhinaca kale ugu jirta arrintan.

Madaxweyne Biixi ayaa khudbad uu jeediyay maalintii 18 May ee la soo noqoshada qaranimada Somaliland, wuxuu ku sheegay inuu qabo in Somaliland iyo Soomaaliya ku kala bixi karaan laba qodob midkood, kuwaas oo kala ah wada-hadal dhexmara labada dhinac iyadoo la raacayo nidaamka wada hadalada caalamiga ah oo ay goob-joog yihiin dawlado iyo hay’ado caalami ah iyo inay ku kala bixi karaan Maxkamad caalami ah, isagoo madaxweynuhu xusay in qodobkani labaad u bannaan yahay haddii lagu guul-darraysto Qodobka hore.

Haseyeeshee, Khabiirkan oo lagu magacaabo John M. Rosenberg oo ku nool magaalada Washington ee dalka Maraykanka, isla markaana aad = ula socda arrimaha Somaliland iyo guud ahaan Afrika ayaa qoraal uu 21 May soo geliyay bartiisa twitterka, wuxuu kaga digay aragtida ah in qaddiyadda Somaliland la geeyo maxkamad caalami ah, waxaanu Mr. John M. Rosenberg yidhi “Dawladda Somaliland waxa ay sheegtay inay qorshaynayso in qadiyadeeda ay gaynayso maxkamad. In qadiyadda la geeyo maxkamad caalami ahi waa istiraajiyad lagu guuldaraysanayo, balse waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa sharcinimo loogu hello galaan gal meel kale laga sameeyo.” Sidaas ayuu yidhi Mr. John.

Mr. John Rosenberg ayaa wuxuu ka mid ahaa la taliyayaasha murashax Michael Bloomberg oo ka mid ahaa murashixiintii ka qayb gashay doorashada xisbiga dimuqraadiga ee Maraykanka dhexdiisa, balse aan guulaysan, waxaanu qormooyin ku saabsan siyaasadda dawladda Maraykanka ee Afrika ku baahiyaa wargeysyo kala duwan.

 

Xigasho: Geeska.net