Khabiir Dhanka Hubka Kiimikada Ah Oo Maraykanku Uu Daacish Ka Qabtay

Ciraaq(SLpost)-Milatariga Mareykanka ayaa sheegayaa in dalka Ciraaq ay ku qabteen nin khabiir ku ah arrimaha hubka kiimikada oo ka tirsan kooxda khilaafada islaamka.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Suleyman Daauud al-Afaari ayaa xabsiga la dhigay

Kaddib hawlgal ay bil ka hor sameeyeen ciidamada gaarka ah ee mareykanka, waxaana hadda ninkaasi lagu hayaa meel ku taal woqooyiga dalkaasi

waxaana ninkani la weydiinayaan su’aalo dadaalada kooxda khilaafada islaamka ee ay ugu jirto soo saaridda iyo adeegsiga hubka ka sameysan kiimikada.

Waxaa jiray warar sheegayay in kooxdani ay sameysatay suntan Mustard isla markaana ay ku rakibeyso madaafiic lagu ridaya furimaha hore ee dagaalka gobolka.