Keydka Taariikhda: DAAWO Madaxweyne Cigaal oo u Amba-baxaya Marti-qaad uu Ka helay dalka Kenya

Keydka Taariikhda: DAAWO Madaxweyne Cigaal oo Safarkiisii u horreyey Ugu Amba-baxaya Marti-qaad uu Ka helay dalka KenyaHargeysa (SLpost)- Waxaanu Akhristeyaasha iyo Daawadayaasha Bahda SLpost Inc. halkan ugu soo gudbinaynaa qayb ka mid ay Keydka Taariikhda iyo Muqaalladii laga duubay Socdaalladii uu dalka dibaddiisa ku tegi jiray Madaxweynihii hore ee Somaliland Eebbe Naxariistii Janno haka waraabiyo’e Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Waxaanu Halkan idinku soo gudbinaysaa Socdaal uu madaxweynihii Hore ku tagay Dalka Kenya oo uu Marti-qaad rasmi ah kaga helay Dawladda dalkaas iyo Madaxweyihii haystay wakhtigaas dalka Kenya Daniel arap Moi. Muuqaalka waxa ka muuqda isaga oo madaxweynuhu ka amba-baxayay garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa oo uu salaan-sharaf kaga qaadanayey Cutubyo ka tirsan Ciidamada isaga oo sii maca-salaamaynayeen Madaxweyne ku-xigeenkii wakhtigaas Daahir Rayaale Kaahin oo markii dambe noqday Madaxweynihii Saddexaad ee Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan.

Wariyaha warkan soo tabinaya ee aad Codkiisa Maqlaysaan waa Wariye Axmed Xuseen Warsame oo xilligaas ka hawl-gali jiray Telefishankii u horreeyey ee ka hawl-gala magaalada Hargeysa xilligaas oo ahaa HARGEYSA TV oo immika loo yaqaanno SPACE CHANNEL.

HALKAN HOOSE KA DAAWO