Kenya oo Xayirtay 13 Xawaaladood iyo 86 qof oo Muslimiin ah Xisaabahooda iyo Soomaaliya oo ka hadashay

xaoraadNairobi/Muqdisho (SLpost)- Dawladda Kenya, ayaa xayiraad kusoo rogtay 13 Xawaaladood iyo Xisaabaadyada 86 qof oo looga shakisan yahay inay maalgeliyaan Kooxda Al-shabaab ee ka hawl-gasha Soomaaliya, waxaana tallaabadan lagu sheegay inay tahay mid lagaga jawaabayo weerarkii Jaamacadda magaalada Gaarisa.

Wasiirro ka tirsan dawladda Kenya oo ah Guddi loo xil-saaray Ammaanka iyo La-dagaalanka arrimaha la-dagaallanka argagixisada, ayaa shir ay shalay ku yeesheen Nairobi waxay amar ku bixiyeen in la xayiro xisaabaadka Xawaaladaha iyo Shaqsiyaad magac ku leh Kenya oo ay ku jiraan culimo caan ah.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Nkaissery, ayaa ku tilmaamay xayiraadda la saaray Shaqsiyaadka iyo Xawaaladaha inay yihiin kuwo taageera Al-Shabaab, inkastoo aan magacyadooda la shaacin. Wararka ayaa sheegaya in liiska dadka ay ku jiraan Culimo magac ku leh Soomaaliya, waxaanay arrintani ay saameyn xooggan ku yeelaneysaa dadka Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool, kuwaasoo lacago dibedda looga soo diro.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar Cabdirashiid Cali, ayaa war ay si wada-jir ah u soo saareen waxay kaga digeen in la xidho Xawaaladaha Soomaalida ee Kenya, iyagoo ka hadlay muhiimadda ay Xawaaladuhu u leeyihihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda Soomaaliya, ayaa sheegay in haddii la xidho Xawaaladaha ay dhibaato ku noqoneyso nabadda iyo dib-u-dhiska guud ee Soomaaliya. “Si Arrintan looga hortago, dawladda Soomaaliya waxay ka shaqaynaysay in la nidaamiyo habka loo maamulo Xawaaladaha Soomaalida lacagaha ka yimaadda si ay ugu dhacaan gacantii loo baahnaa lacagahaasi Bangiga Dhexe ee dalka oo hadda shaqeynaya kasoo leh Khubaro arrimahaas ku xeel-dheer si loo sameeyo wada-shaqayn ay yeeshaan Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa caalamka.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys oo Saxaafadda shalay u akhriyey qoraal ka soo baxay Madaxtooyada dalkaas.

Qoraalka wada-jirka ah ee Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya ka soo saareen xayiraadda Xawaaladaha Soomaalida ee ay caalamka u kala direen oo Luuqadda Ingiriiska ku qornaa, ayaa lagu sheegay in haddii ay sii socoto arrintan ay caqabad ku keeni karto dhaqaalaha iyo dedaalka dawladda dalkaasi dib ugu soo celinayso nabadda, maaddaama lacagaha dibedda dadka Soomaaliyeed kasoo diraan ay ku tiirsan yihiin dawladda Soomaaliya iyo Shacabka intooda badan, waxaanay ku dalbadeen inaan la xayirin Xawaaladaha Soomaalida meel kasta oo ay dunida kaga yaallaan, lana joojin wada-shaqaynta Baananka dunida iyo Xawaaladaha ka dhaxaysa.