Kenya Oo Wacad Ku Martay Inaanay Ciidankeeda Kala Baxayn Soomaaliya

Nairobi, (SLP)- Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inaanay marnaba kala baxayn ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM gudaha dalka Soomaaliya, ka dib markii ay Al-shabaab dhawaan ka dalbatay inay Kenya ciidamadeeda kala baxdo dalkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa sheegay in ciidankooda ku sugan Soomaaliya ay la dagaalamayaan argagixisada khatarta ku ah amniga Kenya.Former Kenyan Cabinet Minister Ruto stands inside his house after hearing the news from the International Criminal Court, in Nairobi

“Argagixisadu waxay naga dalbadeen inaanu ciidamadayada kala baxno Soomaaliya, si ay qayb dhulkayaga ka mid ah u qabsadaan. annagu waxaanu usheegaynaa inaanaan ciidamadayada la bixi doonin, waxaananu sidoo kale la yaabannahay madaxda u hadlay sidii ay u hadashay argigaxisada oo kale.” ayuu yidhi Ruto oo ku sugan deegaanka Kakamega ee galbeedka Kenya.

Ruto oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu intaas ku daray. “Marna uma ogolaanayno in argigaxisadu inay xitaa taako ka mid ah dhulkyaga qabsato. Waxaanan ugu baaqayaa shacabka Kenya inay ka qayb qaataan sugidda amniga.”

Sidoo kale, madaxweyne ku-xigeenka Kenya ayaa sheegay in argigaxisadu aanay ka guulaysan doonin , waxaanu intaas ku daray in la joogo xilligii ay la dagaalami lahaayeen Al-shabaab.

“Waa mas’uuliyad wadarreed in shacabka Kenya ay kawada qayb qaataan xoojinta amniga guud ee Kenya. Waa inaynu joojinno ciyaaraha oo aynu ka wada qayb qaadanno wax ka qabashada caqabadda ammaan ee dalkeenna ka jira,” ayuu hadalkiisa ku daray Ruto.

Ruto wuxuu hadalkiisa ku daray in shacabka Kenya ay isticmaalaan qalab kasta oo ay soo celinta amniga guud ee Kenya kaga qayb qaadan karaan. Isagoo xusay in xukuumaddu ay qalab iyo gaadiid ku bixinayso sidii loo sugi lahaa amniga guud ee Kenya.

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Kenya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay dhawaan Al-shabaab iyo isbahaysiga mucaaradka ah ee Kenya ODM ay ka dalbadeen xukuumadda Kenya inay ciidamadeeda kala baxaan Soomaaliya.

 

Somalilandpost.net

Hargeisa Office