Kenya oo soo bandhigtay Tirada Saraakiil Al-shabaab ka Tirsan oo Lagu Dilay Duqayn Dhinaca Cirka ah

Nairobi (SLpost)- Dawladda Kenya, ayaa sheegtay inay ilaa 30 sarkaal oo ka mid ah ururka Al-shabaab ku dishay duqayn dhinaca cirka ah oo diyaaradaheegu ku qaadeen duleedka magaalada Garbahaaray oo ku taal gudaha Koonfurta dalkaasi Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee dalka Kenya, ayaa u sheegay Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi, in weeraro dhinaca cirka ah oo Khamiistii toddobaadkan lagu qaaday guri ay ku shirayeen masuuliyiin Al-shabaab ka tirsan lagu dilay ilaa 30 sarkaal oo ka tirsan ururkaas xidhiidhka la leh Al-qaaciida, iyadoo aan lagu guulaysan in la soo bandhigo magacyada iyo xilalka saraakiisha la sheegay in la dilay.

diyaaradaha KenyaMasuuliyiin ka tirsan dawladda Kenya ayaa tilmaamay in ragga weerarkaas lagu dilay ay ku jiraan xubno xilal sare ka haya Al-shabaab, kuwaasoo sidoo kale xusay in weerarkaas lagu gubay gaadiid kuwa dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo Al-shabaab ka tirsan.

Ma jiro war la xidhiidhan arrintan oo ka soo baxay dawladda Soomaaliya iyo Ururka Al-shaaab, balse haddii weerarkani dhab noqdo waxa uu noqonayaa kii u horreeyey ee ciidammada cirka Kenya khasaare intaas le’eg ugu gaystaan Al-shabaab.

Khasaaraha Weerarro Al-Shabab Geysatay

Xooggaga Al-shabaab, ayaa habeenkii Jimcaha iyo subaxnimadii hore ee maanta weeraro kala duwan ku qaaday degaanno ku yaal magaalada Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo weerarkaasina qabsaday ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya oo ku sugan degaannada la weeraray.

Weerarka hore ee maalintii Jimcaha dhacay, waxa Al-shabaab ku qaaday fadhiisimo ciidammada AMISOM iyo kuwa dalwaddu ku leeyihiin degaannada Ceelasha biyaha iyo Siinka-dheer oo ku yaal duleedka Muqdisho, iyadoo weerarka Al-shabaab lagaga jawaabau madaafiic culus oo aan ilaa hadda la ogayn khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale iska horimaad saqdii dhexe ee habeen hore ka dhacay saldhigga booliska  Booliska degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dawladda iyo dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan, ayaa hurdada u diiday dadweynaha ku nool goobaha dagaalku ka dhacay, iyadoo la tilmaamay in ciidanka boolisku qabteen xubin ka tirsan Al-shabaab oo ka qaybgalay weerarka lagu qaaday saldhigga booliska.

Kooxo ka tirsan Al-shabaab, ayaa sidoo kale subaxnimadii hore ee maanta weerar ku qaaday degaanka lagu magacaabo Cumar Beerey oo ku yaala duleedka degmada Afgooye, halkaaso lagu dilay afar askari oo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya.

Weerarrada kala duwan iyo falalka ammaan-darrada ayaa muddooyinkii u dambeeyey hadheeyey magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalkaasi Soomaaliya, iyadoo dagaalyahannada Al-shabaab siyaabo kala duwan weerarro khasaare ka dhasho ka fuliya gudaha dalka Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

Contact@somalilandpost.net