Kenya Oo Sharci Darro Ku Tilmaantay Dacwadda Dhinaca Badda ee Soomaaliya Ka Gudbisay

Nairobi(SLpost) – Dawladda Kenya ayaa baadil ku tilmaantay dacwadda Somalia u gudbisay Maxakamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ, taas oo ku saabsan ka garnaqida muranka xuduuda badda ee Somalia iyo Kenya u dhexeeya.

 

Kenya ayaa diidmadeeda hor dhaca ah u gudbisay Maxakamadda August, 28, 2014, iyadoo ku doodaysa inay abaal badan u gashay Somalia, sidaas darteedna aanay Somalia uga fadhiyin inay Maxakamad la tiigsato.

 

“Ciidamada Kenya waxay la dagaalameen Alshabaab. Muwaadiniinta Kenya waa dhibanayaasha weerarada Argagixisada. Sidoo kale Kenya waxay marti galisay 25 sannadood in ka badan Milyan badhkii(Half million Refugee) oo qaxoonti Soomaaliyeed ah. Ugu yaraan Kenya waxay ka rajaynaysaa  Soomaaliya  in ay ku cisayn doonto heshiis ay labada dal galeen,” ayaa lagu yidhi bayaanka xeer ilaaliyaha  Kenya.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “  Dacwadan maxakamdda  horteeda way ku adag tahay, wayna caddahay inay ka soo horjeedo heshiiskii 2009-kii. Kiiskan Somalia waa Baadil(mid aan ansax ahayn), Kenya way ku kalsoon tahay in Maxakamaddu raaci doonto soo gudbinta Kenya. Waxaa waajib ah in labada dawladood helaan xal ku dhisan heshiis saaxiibtinimo, si waafaqsan sharciga Caalamiga ah. Waxa waajib ku ah inay sidaas sameeyaan,” ayaa lagu yidhi dooda Kenya.

 

Dowladda Somalia ayaa waxay dacwad ka dhan ah Kenya oo la xidhiidha muranka xuduud-badeedda ee labada waddan u dhexeeya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

 

Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Kenya, Githu Muigai ayaa xusay in dowladaha Somalia iyo Kenya ay horay u wada-saxiixdeen heshiis dhinaca badda ah; balse aanay meesha ku jirin in murankaas maxkamad la geeyo.

 

Sidoo kale, Muigai ayaa intaas ku daray in dacwaddaas la geeyay ICJ ay ka hor-imaanayso heshiiskii labada dal ay kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii; isagoo xusay in hadda Somalia aanay u habboonayn in dacwad noocas oo kale ah ay geyso maxkamada caddaaladda dunida.

 

Dawladda Somalia ayaa marar badan ku celisay inaanay aqbali doonin wada hadal arrintan lagu xalliyo maadaama hore loogu guul daraystay, waxaanay ku adkaysanayaan in maxakamadda caalamiga ahi ka garnaqdo arrintan.