Kenya oo Maanta Xustay Maalinta Geesiyaasha

 

Nairobi(SLpost)-Guud ahaan waddanka Kenya, ayaa maanta waxaa looga dabaal-dagay Munaasabada 20 October oo ku beegan maalinta geesiyaasha Kenya oo Afka- Swahiliga lagu dhaho “Mashujaa” ahna Heroes’ Day ama maalinta la xuso hal-gamayaashii Kenya u horseeday xorriyaddeeda.

 

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dad weyne fara badan oo ka qeyb-galaaya dabaal-dagga munaasabaddaan kula hadlay garoonka kubada cagta lagu ciyaaro ee Nyayo Stadium oo ku yaalla magaalada Nairobi.

 

Wuxuuna shacabka Keenyaanka ah u rajeeyay horumar, isagoo ugu baaqay inay iska kaashaadaan wax kasto oo dhibaato u keeni kara dalkooda.

 

Dhanka kale  isku-duwaha gobolka Nairobi oo lagu magacaabo Njoroge Ndirangu, ayaa sheegay in ammaanka magaalada Nairobi kor loo qaaday, feejignaan sarana la galiyay ciidamada Maanta oo fasax guud (Public Holiday) ka ah dalka Kenya, waxaa lagu xasuustaa dadkii madax-bannaanida Kenya horseedka u ahaa oo ay ka mid ahaayeen dhaq-dhaqaaqii Mau Mau iyo hogaamiyaashii loo yaqaanay (Kapenguria Six) ama lixda Kapenguria oo loogu magac daray Xabsigii lagu xidhay oo ku yaalla magaalada Kapenguria ee  deegaanka West Pokot, Kenya xiligii ay ku jireen halgankoodii gobanimo doonka ahaa.

 

Lixdaas shaqsi oo uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Jomo Kenyatta oo dhalay Madaxweynaha hadda hogaamiya waddanka Kenya, ayaa waxey ka mid ahaayeen shaqsiyaadka Kenya looga qadariyo iney ahaayeen geesiyaashii qaarkood loo-dilay kuwa kalana ay xabsiyo u galeen sidii ay waddankooda uga xorreyn lahaayeen gumeystayaashii Ingiriiska ee ku soo duulay.

Munaasabada 20 October ayaa dhanka kale waxey ku beegan tahay maalintii xabsiga laga sii daayay madaxweynihii horee Kenya, Jomo Kenyatta. Waxaana horay loogu yaqaanay Kenyatta Day balse waxaa markii danbe lagu badalay “Mashujaa day” oo ah maalinta geesiyaasha.

 

Kenya oo hadda xaga horumarka safka hore kaga jirto wadamada ku yaallo bariga qaarada Africa, ayaa xornimadeedii ka qaadatay wadanka Britain 12, December, 1963. Waxeyna si buuxdo dadka Kenyan-ka ah ay ula wareegeen maamulka dalkooda sannad kaddib 12-ka, December, 1964.