Kenya: Nin Dhowaan shaaciyey inuu Jecel yahay Curadda uu dhalay Madaxweyne Obama oo Diinta Islaamka Qaatay

Nairobi (SLpost)- Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Kenya, horaantii bishii May ee sannadkan-na shaaca ka qaaday inuu Jecel yahay Inanta Curad ee madaxweynaha Maraykanku dhalay, Malia Obama, ayaa sheegay inuu qaatay Diinta Islaamka.

Felix Kiprono Mategei oo ah Qareen ka hawl-gala Maxkamadaha Kenya, gaar ahaan Nairobi, ayaa magaciisu si weyn u galay warbaahinta Caalamka laba bilood ka hor kaddib markii uu shaaciyey inuu jecel yahay sidii uu u guursan lahaa Malia Obama, isagoo sheegay inuu ka bixinayo gabbaati iyo Yarad ka kooban 50 Sac, 70 Neef oo Ido ah iyo 30 neef oo Riyo ah, adduunkaas oo marka lacag loo beddelo u dhigma in dhow $100,000 (Boqol Kun oo Dollar).

MatageiWaxa uu sheegay inuu ka tagay aaminsanaanta Diinta Kiristaanka oo uu markii hore haystay, kaddib markii haweenay macalimad ahi ku qancisay isla markaana barta Diinta Islaamka dabayaaqada sannadkii 2012-dii.

“Waxaan Diinta Islaamka ku qaatay Masjid Jaamica Nairobi 2012-dii markii ay ii soo bandhigay haweenay aanu meel ka wada-shaqayno, ilaa wakhtigaasna waxaan ahaa Muslim,” Sidaas waxa warbaahinta Citizen Digital u sheegay Felix oo hadda magaca iska beddelay, lagu magacaabo Cadnaan, isagoo intaas ku daray, “Haweenaydu waxay ahayd mid qalbi fiican, waxaanay ku guulaysatay inay igu qanciso Diinta Islaamka,”

Cadnaan waxa uu sheegay inay muddo saddex sanno ah ku qaaday barashada Diinta Islaamka, ilaa wakhtigaasna aanu si rasmi ah u soo bandhigin inuu qaatay Diinta Islaamka.

“Ilaa 2012-kii waxaan baranayey Diinta, manaan doonayn inaan ka hadlo ama soo bandhigo go’aanka aan ku qaatay diinta Islaamka ilaa aan dhammaysto barashadeeda. Immika oo ay waxbrashada iiga hadhsan tahay saddex bilood, waxaan go’aansaday inaan shaaciyo Caqiidayda Runta ah,” ayuu yidhi Cadnaan.

Cadnaan oo warbaahinta Citizen Digital u warramayey Dorraad, ayaa mar la weydiiyey inuu sooman yahay Bisha Ramadan, waxa uu sheegay inuu sooman yahay isla markaana uu ku guda-jiro barashada Qu’aanka Kariimka ah.

SOMALILANDPOST.NET