KENYA: Dugsiyadii Oo Maanta Dib Loo Furay Iyo Macalimiintii Oo Shaqadii Bilaabay

 

 

Nairobi(SLpost) — Maanta oo Isniin ah, ayaa waxaa dib uga furmaaya guud ahaan waddanka Kenya waxbarashadii dugsiyada dawladda oo muddo shan toddobaad ah xidhnaa kaddib markii macallimiinta ay joojiyeen  horaantii bishii hore ee September inay wax baraan ardayda, isla markaasna ay dalbadeen in Mushaharka loo kordhiyo.

Waxaana labadii maalmood ee ugu dambeysay soo baxaayay cadho badan oo macallimiintu ay ka muujinayaa joojinta mudaharaadkii ay ku jireen, waxeyna sheegeen in rajadii ay ka qabeen in mushaharkooda loo kordhiyo boqolkiiba 50 ama 60 ay wali tahay mid ayna  hubin fulinteeda.

Macalimiinta, ayaa sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen amarka guddiyada Barayaashu ay ku mideysan yihiin ee kala ah; Midowga Macalimiinta Qaranka Kenya ee (KNUT) iyo Ururka Midowga Macalimiinta Dugsiyada Sare ee Kenya [KUPPET] oo ay sheegeen in markii hore ay Mudaharaadka galiyeen kadibna ay ku amreen inay shaqada dib ugu noqdaan ayaga oo aan waxba u sheegin.

Barayaasha qaarkood, ayaa ku tilmaamay shaqo joojintii ay galeen inay ahayd mid wakhtiga looga lumiyay, waxayna ku hanjabeen in ayna mar dambe bixin doonin lacagta tabarucaadka ah ee ururka macalimiinta ay siiyaan, sidoo kalana ayna u hogaansami doonin amaradooda, isla markaasna ayna mar dambe ka qayb qaadan doonin mudaharaadyo loogu yeedho.

Sababta ay markii hore u galeen mudaharaadka ayey ku sheegeen iney aheyd in loo kordhiyo Mushaharka, balse ayna haynin wali wax isbadal ah oo ku saabsan dalabkoodii.

Dib u furista Iskuulada, ayaa ka dambeysay amar dhawaan ka soo baxay maxkamadda racfaanka Kenya oo ku amartay macallimiintu inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo afjaraan shaqo joojintoodii, ayna dib ugu noqdaan Iskuulada. Waxaana sidoo kale maxkamadu ay mudo 90 cisho ah u qabatay Gudiga Adeegga Macallimiinta ee (TSC) iyo dowlada Kenya iney ku xaliyaan muranka Barayaasha.

Dhanka kale, Golaha Qaranka ee Imtixaanaadka Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo (KNEC) Kenya National Examinations Council, ayaa shalay cadeeyay in aanan dib loo dhigi doonin wakhtiga imtixaanaadka la qaadi doono, waxayna sheegeen in xilligii loogu tala-galay ay dhici doonaan Imtixaanaadkaas.

Guud ahaan ardayda wax ka barata Iskuulada dawladdu ay maamusho ee ku yaalla wadanka Kenya, ayaan waxbarasho helin muddo shan todobaad ah laga soo bilaabo horaantii bishii aynu soo dhaafnay ee September, xilligaasoo Macalimiinta Kenya ay bilaabeen mudaharaadyo ay ku dalbanayeen in mushaarka loo kordhiyo.