KENYA: “Ciidamada Kenya Danahayaga ayey u Joogaan Soomaaliya, Waxay naga Difaacaan Alshabaab”

 

Nairobi(SLpost)-Dawladda Kenya ayaa markii ugu horeysay si cad uga hortimid qaraarkii Xildhibaannada Soomaaliya ka soo saareen xad gudub ay sheegeen inay ciidamada dalka Kenaya ku hayaan dalka Somaliya.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah baarlamaanka dalka Kenya, ayaa sheegay in ciidamada Kenya u joogaan dalka Soomaaliya danaha dalkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa ku hanjabay in aan ciidamada Kenya laga saareyn dalka Soomaaliya ilaa inta Alshabaab ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya weerarana ka geysanayaan dalka Kenya, isagoo sheegay in ciidamada Kenya ay arimahaasi difaac u yihiin

“Ciidamada Kenya danaheena(Danaha Kenya) ayay u joogaan Soomaaliya, waxay naga difaacaan Alshabaab oo dhanka xuduudaha ah, mana kasoo baxayaan inta Alshabaab ka jirto Soomaaliya”ayuu xildhibaanka oo ka hadlay xaflad ka dhacday dalka Kenya.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor soo saaray qaraar lagaga jawaabay xad gudubka la sheegay in dawlada Kenya ka waddo gudaha dalka Soomaaliya, qaraarkaasi ayaa qodob kamid ah wuxuu ahaa in ciidamada dawlada Kenya laga saaro gudaha dalka Soomaaliya.