Keegii Arooska – W/Q: Ceelaabe

Inta lagu gudo Jiro Xaflada  Habeenka Arooska iyo Munaasibada Farxada Guri galka Lamaanaha is Calfadey Waxa Lala Qaata Wakhti waxyaabo kala duwan Habeenkaasi lala wadaago,Waata loo Ciyaaro ee Aroosyada qaarkood Music Dayaan dheer lalawada Kaco,Waata Cuntada iyo Cashada loo Fadhiisto,Waata Sawirada iyo Kamaradaha lalawada Dhaco,Waata Quraanka loogu Furo loona Duceeyo Marka danbena Music iyo Dad wada Qaawani is dhex Yaacaan,Waata Fargal Midkastaaba mid kale u Xidho,Waa kuwa iyaga oo Faraxsan haddana Keega ay Wada Jaraan,Afkana isku Geliyaan iyada oo la is weydaarsanaayo,Sharaabka iyo Keega in Afka la isku siiyo iyada oo Midkasta mid kale gacanta Dhaafsadey.Waa  Mid ka mid ah Keega in la Jaraa Waxyaabaha ugu muhiimsan Habeenka Farxada badan ee Arooska iyo Guri galka loo Yaqaano.

Waa Keeg,Waa Macaan,Waa Cuntadii Farxada iyo Nasashada,Waa Mid loo Xushey Munaasibadaha Farxada leh sida Aroosyada iyo Dhalashada Farxada leh ee Dadka qaarkood ay u dabaaldegaan.Sida aynu Aroosyada u qabsano ama ugu dabaaldegno,sida Dharka loo xidho,Heesaha iyo in keega la Jaraa Ma dhaqan aynu kaga Dayaney Reer Galbeedkaa Mise waa Dhaqan soo Jireen ah oo Dadka aduunyadu ay soo qabatimeen.In Music la tunto,in la Farxo,Wax la cuno,La isku sawiro,Dhar dhaqameedka nolosha Dadkaasi u gaar ah la soo xidho,La Diyaariyo cunto dhaqameedka dadka is aroosey,Looguna duceeyo Diinta hadba Lamaanuhu ay heystaan Ayaa Aroosyadu ka siman yihiin.Haddaan Keega ka reebno Arooska Ma Macnaha Arooska Ayaa Lumaya.Fargalka hadaad iska deyso  keegana aanad Afka u gelin Ma waxbaa ka Maqan Arooskaaga.In aad Keega Afka isku gelisaan Maxey Macno u sameyneysaa Lamaanaha iyo Dadka kale intaba.Waa Marka ugu qaalisan Munaasibada Habeenkaasi Arooska,Marka la gaadho Fargelin gelinta iyo Jarida Keega.Waa Wakhti ay dareemaan Jaceylkooda,iyo Guushii Xidhiidhkooda marka ay dadka Hortooda Fargal isku weydaarsadaan,Hortoodana Cuntada macaanka badan ee Fudud Afka isku Weydaarsadaan.Sidaasi Ayey wax u wada Cuni doonaan,Sidaasi Ayey Nolosha u qeybsan doonaan wax kastana isku siin doonaan.Keega Quruxda badan,Midabada kala duwan,Dherarka  badan,Macaanka badan Ayey hortagayaan,Waxa ku dul qoran Magacyadooda,Waxa ku qoran Erayada Jaceylka iwm.Waxa Loo Diyaariyey Midi ay ku Jaraan iyo kuwo kale oo ay Afka isku siiyaan.Hortood cidi Ma jari karto umana Dhawaan karto,Laakiin marka ay ka dhameysteen Cid kasta Ayaa iska cuni doonta.Gacantaad ku wada qabataan markaad Jareysaan Ayaa ah weligiin mid ahaada,

Maxaa Arooska loogu doorey in Keeg Afka la isku siiyo?.Maxaa Dhacaya haddii Timir afka la isku geliyoo.Yaa Yidhi keega Cuna Dadka hortooda.Naxdin badanaa,Ma cuni karo,Wuu ka dhacey,Sharaabkii Ayey isku Daadiyeen Jidka Aroosyadeena ay dadka qaar ugu dabaaldegaan aad  buu diinta islaamka uga soo horjeedaa.Aroosyo badan oo dadka dhiganayaa Ay ka dhigtaan Jid diinta islaamka aad u waafaqsan Ayaa haddana meelyar oo kale sii Dhigta Keega oo Gurigana ha lagu Jaree  Meel uun ku Jara.Sawirka ugu qaalisan ee Lamaanuhuna waa Midka ay hortaagan yihiin ama ay Jarayaan Keega.Qosolkii Farxada Guusha Jaceylka iyo Habeenkan Noloshooda kuweyn Ayaa ka soo baxaya marka ay Keega dultagaan.Ninka iyo Gabadha laba Jeer ama Saddex Jeer guursadeyna waxa ay Heli karaan Fursado badan oo Keeg badan Afka loo geliyo haddii qofku inta uu noolyahay uu maro laba ama saddex Aroos oo kala duwan.Xafladaha Meherka ee Hordhaca ahina waa Mar kale oo aad Keeg Jari doonto.Dabaqyada Keega ah ee lagu soo Diyaariyey adaa Jari doona,Waxkasta adaa Bilaabi doona oo Furan doona.

Keeg.Cuntadana Fudud ee laga Cuno Macmacaanlayaasha Waxa inta badan caruurta loo keena ama Guryaha lagu sameeyaa wakhtiyada munaasibadaha sida ciidaha iyo Farxadaha kale ama wakhtiyada Dhalashada iyo Marka Caruurtu Afartanka ka baxaan.Sida loo sameeyo,wuxuu ka kooban yahay,Habka dabka loo saaro,iyo Midabada iyo Noocyadiisuba intaba waa wax  u baahan Barasho aad u Sareysa.

Waxaan ku soo sameyn doonaa Keeg Magacaagu ku qoran yahay Marka lagu yidhaahdo ama Hadyad laguugu keeno Keeg lagu soo sameyey waad soo dhaweyneysaa,Cuntada fudud qofkuna qaadan karo,Ayaamo badana ooli karta oo la sii cuni doono,Ku naso Shaah iyo Keeg Maalmaha qaarkood.Seminaar kasta,iyo Xafladaha la isku arkana ugu tag Hudheel in wakhtiyada qaarkood lagu keeno cunto fudud oo  Keeg ugu culus yahay.

Isku soo wada duub Haddaad dhimato adiga oo aan gabadh afka u gelin Keeg Maaha macnaheedu in aad Aduunyada ku guuldareysatey,Gabadhuna haddii aaney helin Fargel gelin iyo Keeg Afka loo geliyo maaha in ay iska Dhimatey iyada oo aan helin noloshii ay rabtey.Sameyso Aroos iyo Farxad Diintaad heysataa ay ku baneysey,Haddii kale adiga oo xidhan Taaj Jidhkaagi oo dhani ka muuqdo,dadka hortiisana Keega ku hor cun oo Ha xishoon.

 

Ceelaabe

ceelaabe_10@hotmail.com