Karis Xun Iyana Wax ku La’.

 

Dastuurka Somaliland  waa Xeer ay ummadu  dhigatay oo  ay tahay inay hayadaha qaranku ixtiraamaan islamarkaana waxa weeyi ka dib loogu noqonaayo haddii uu muran sharci yimaad. Haddaba, Mudaneyaasha Golaha Wakiillada JSL ayaa fadhigoodii qabsoomay 31 AUGUST 2015 ku laalay kuna horjoogsaday qorshaha Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ku doonayso in Kaydka Shidaalka ee Haamaha Berbera lagu wareejiyo Shirkaddaha soo dejiya Shidaalka.
Qorshaha Xukumaddu ku doonaysay in la wareejiyo Kaydka Haamaha Shidaalka ayaa goluhu cod aqlabiyad ah ku laalay islamarkaana 55 Mudane oo kulanka ka soo xaadiray 40 ka mid ahi u codeeyeen in Haamaha Shidaalka aan la wareejin karin oo ay xukumadduhu Maamulaan.

Soo saarista qaraarka Golaha Wakiilladu ku laaleen wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera ayaa ka dambeeyay markii guddida ilaalinta Hantida Qaranka iyo dabagalka musuq-maasuqa ee Wakiilladu soo saartay warbixin sheegaysa in Xukumaddu sanadkii ka hesho Haamaha 24 Milyan oo Dollar, sidaas darteedna ay tahay hay’ad muhiim ah.

 

Haddaba, Mudanayaasha Golaha Wakiiladu way kasoo baxeen xilkii ummada ay u hayeen waxayna fuliyeen Awoodihii iyo waajibaadkii uu Dastuurka qaranku u xalaaleeyey sida ku xusan Qodobka 53aad ee Awoodaha iyo Waajibaadka Golaha Wakiilada farqadiisa 2aad ee leh sidan; Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax -ka­sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda.

 

Sidaa darted,  talaabada ay xukuumadu u qaaday inay ku wareejiso haamaha shidaalka berbera 20 Oct 2015 waa mid ay ugu talagashay inay ku burburiso shuruucdii dalka iyo dastuurka qaran iyada oo gabi ahaanba daadafaysay Jiritaanka Hay’ad Qaran oo ah Golihii Wakiilada Somaliland . waana mid loo arki karo inay dalka ugu talo gashay fowdo iyo kala dambayn la’aan . ujeedada  ay ka leeyihiina waa  Burburinta qarankan lagu soo tabcay….!!  waxaan leeyahay waataa maanta bilaabantay laamiyo la istaago waa meel soke  ee godka aad ku jirtaan baa la isugu soo gali masuuliyadeedana idiinkaa dusha ku qaadan illeen waydinkaa ku tuntay shuruucdii dalka e.   Karis Xun Iyana Wax ku La’.

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa Somaliland