KANSAS: Shirweyne Aayo-ka-tashi oo lagu go’aamiyey Qodobbo Gun-dhig u ah Masiirka Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Ameerika oo Hoggaankiisa la dhaliilay

Kansas (SLpost)- Shirweyne muddo laba maalmood ah socday oo ay isugu yimaaddeen masuuliyiinta, madaxda sar-sare iyo taageerayaasha xisbiga Waddani iyo Woqooyiga Ameerika, ayaa ku qabsoomay magaalada Kansas ee gobolka Missouri ee dalka Maraykanka.

Shirkan oo maalintii Khamiistii ka furmay magaaladaas isla markaana la soo gebo-gabeeyey maalintii Jimcaha ee shalay, waxa ka qayb-galay aqoonyahanno, culimo-awdiin, dhalinyaro iyo haween, kuwaas oo isaga kala yimi 13 gobol oo ka tirsan gobollada Dhexe ee dalka Maraykanka, ayaa laga soo saaray qodobbo muhiim u ah dar-dar gelinta dhismaha xisbiga iyo geedi-socodka nidaamka dawladnimo ee Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Xisbiga KULMIYE ee Woqooyiga Ameerika, Eng Farxaan Axmed Maxamuud, waxa shirka laga soo saaray 7 qodob oo isugu jira hawlaha xisbiga iyo dar-dar gelinta nidaamka iyo dhismaha qaranimo ee Somaliland, kuwaas oo sal looga dhigay masiirka iyo dhismaha xisbiga ee Qaaradda Woqooyiga Ameerika gaar ahaan dalweynaha Maraykanka.

Qodobbada shirka ka soo baxay, ayaa laysku raacay in hoggaan cusub loo doorto Xisbiga Kulmiye qaybtiisa Woqooyiga Maraykanka, iyadoo hoggaanka hadda talada haya loo soo jeediyey dhaliilo isugu jira maamul-xumo, qabyaalad iyo lunsiga hanta xisbigu iska leeyahay.

Qodobbada shirka ka soo baxay ayaa lagu sheegay sidan: “Gebo-gabadii shirka waxa laysku af-gartay qodobadan soo socda:

1) In uu mudo dhafay hoganka sare ee xisbiga Kulmiye ee waqoyiga America oo uu dhammaday mudo xilodkii la doortay. Waa in sida ugu degdega badan loo qabtaa Shir Lagu doranaayo hogaan cusub.

2) In xubnaha xilka haya hadda aan mar danbe la sinin fursad ay dib ugu soo noqdaan hogganka. Sababta oo ah waxa ay ku caan baxeen mamul xumo, qabyalad cad, eex iyo qaraabo kiil, diktaatorinimo, lunsi qadhaan laga ururinayey taageerayaasha xisbiga, iyo in ay meesha ka baxday masuuliyadi loodortay.

3) Guddomiyaha Mustafi Cabdi cartan oo si cad oo badhiidh ah ugu gafay qaar ka mid ah Beelaha Somaliland ee miisaanka ku leh isla markaana ah taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, isagoo ugu hanjabay inaanay xubno ka noqon karin xisbiga mansabyadiisa sar-sare.

4) laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 02/24/2017 in aanu so cad uga soo horjidsanay mamul ku sheega uu Mustafi Cabdi cartan. Waxa sido Kali aano aad u soo dhawynaynaa CID kasta oo ka dam qanaysa dhibatada ka tagan mamulka xisbiga Kulmiye ee waqoyiga America.

5) In aanu ka shaqynayno si xoojinta iyo wada jirka xisbinimo . Iyo mida qaranimoba

6) in sida ugu degdega badan gudi logu saro qaban qabada xaflada 18 may oo sanadka si baladhan uga dhacaysa Denver Colorado.

7) In la balaadhiyo lana joogtiyo shirka bilaha ah ee gobolada dhexee iyo badhtamaha USA ee xisbiga Kulmiye.

Masuuliyiinta Xisbiga ee Goobjoogga ka ahaa Shirka.

1) Dr Jamal Abdi Osman  Gudomiye

2) Abdirashid Abdillahi Magan G/ Ku Xogeen

3) Fawsiya Muse Hasan Xoghayaha Guud

4) Ahmed Ali Nour Obsiye Xubin

5) Mahamed Aw Gedi Ahmed Xubin

6) Yusuf Saleeban Jamac Xubin

7) Nura Diriye Xaad Xubin.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka uu saaray Afhayeenka KULMIYE ee Woqooyiga Ameerika, Eng Farxan Axmed Maxamed.