“Kalluunku Waxa uu Faa’iido Balaadhan u Leeyahay Caafimaadka Hooyada iyo Caruurta” Marwo Shugri Xariir

Hargeysa(SLpost)-Wasiir-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Marwo Shugri Xariir Ismaaciil oo ka qaybgashay bandhigga carwada Kaluunka Somaliland ayaa khudbad ay ka jeedisay waxa ay ka warantay faa’iidooyinka Kaluunku u leeyahay caafimaadka hooyada iyo caruurta.

Marwo Shugri Xariir oo ka hadashay sida uu dalka Somaliland qaniga ugu yahay kaluunka ayaa waxa ay tidhi “Dalkeennu waxa uu safka hore kaga jiraa dalalka ay ku badan yihiin umul aroorka iyo dhimashada iyo caruurta ka yar shanta sanno, waxa taa sababta nafaqo darro hooyada haysa xiliga ay uurka leedahay, xiliga ay nuujinayso iyo xiliga uu ilmaha yari koriinka ku jiro”.

“Nafaqo daradaa waxa sabab u ah aqoon la’aan baahsan oo aynaan aqoon cuntada nafaqada le ee wax u tari karta hoyada iyo caruurta guud ahaan. Taasoo ay ugu horayso hooyada oo qaadata cuntada cagaaran iyo in ay ka faa’iidaysato khayraadka badaha. Inta badan culimada caafimaadku waxa ay talo ku bixiyaan in ay hooyadu qaadato khudradda cagaaran, kaluunka, beedka iyo beerka. Nasiib wanaag innagu waxa aynnu haysanaa kaluunkii oo bilaash ah oo aad u nafaqo badan oo ilmaha korinaya, maskaxdisa korinaya dhammaan macdanihii ay u baahnaayeena ay ka helayaan” ayey tidhi Wasiir Shugri Xariir Ismaaciil

Marwo Shugri Xariir waxa ay hooyooyinka iyo waalidka in ay xoojiyaan isticmaalka iyo cunista kaluunka waxaana ay tidhi “Waxaan jeclahay in aan hooyooyinka ku guubaabiyo in ay caruurta siiso kaluunka oo ay iyaduna quutaan qoyskana ay siiyaan. Aabahana fariinta aan u marinayaa waxa ay tahay in uu caruuta iyo xaaska habeenkii marka uu gurigiisa ku sii socdo uu u sii khaado kiiloo kaluun ah iyo cuntooyinka nafaqada leh”

Somalilandpost, Hargeysa Office.

Somalilandpost@live.com