KALIFAADDII TAHRIIBKA AYAA LOO EERSANAYAA (SHEEKO XIISE LEH) – C/casiis Axmed Jaamac

Akhristayaashayda qiimaha iyo qaayaha iga mudan ee aad aadka u jeclahay maanta waxaan jeclaystay inaad ila wadaagtaan sheeko ku dhisan qisooyin dhab ahaan uga dhaca guud ahaan gayiga Somalidu dagto taas oo ka turjumaysa wacdiga dhab ah ee aanay cidna dafiri karin ee ka jira wadankeenii hooyo,isla markaana da yar badan oo wadankooda hooyo jecel inay wax kusoo kordhiyaan ku kalifaysa inay niyad jabaan. Isla markaana dhabada u jeexaysa inay wadooyin halis ah dhabada saaraan oo TAHRIIBKU ka kowyahay.
Waxaan filayaa sharaxaad kale iigama baahnidine ciwaanka sheekadaa idin deeqay waxna yaanan sheekada idinkala raagine bal I dhowra intaan sheekada wado ha ina dherarsanina ka dibna ciwaanka sheekada idinku ka jawaaba? Ma camal la aanta wadanka ka jirtaa? ma amaankiisa halis galay? ma wax uu cunuu waayay? mise waa dabayl kale oo rabaaniyaa bal adba? !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
Gugoo hooray gayi nabada meel nimcadu taalo badhtanka ceelka hargaysa waligii gees uma dhaafin
Dhaqane waa wiil ku jira waqtiga ay dhalinyaranimadu uugu xiisaha iyo xamaasada badan tahay dada sagaal iyo tobnaadka (19jir) waligii alle ma tusin wax ka yaabiyoo waxa uu ku dhashay buqcada nabada geeska afrika(hargaysa) waxa uu helay waxbarasho aas aasiya,caafimaad iyo waxkasta oo ku taageeraaya in uu mastaqbalkiisa dhisto.
Waxa uu eebe ku manaystay dad la dhaqanimo aan la qiimayn karin ”anigu waxaaban mar u cumaamadi gaadhay qofka ugu dad la dhaqanimada fiican”.
Ku darsoo waxa alle waalid uugu dhigay waalid hiil iyo hooba la garabtaagan gaar ahaan hooyadii,oo aabihii waxa uu geeriyooday isagoo sidaaba aan u taabo qaadin.
Dadaal badan oo xagiisa ahna ka dib waxa uu ku guulaystay in uu dugsigii hoose/dhexe dhameeyo walibana uu ku baxo dhibcooyin aad iyo aad u sareeya.
Waxaana uu codsigiisii dugsi sarenimo u qortay dugsi ka mida dugsiyada sare dowlada maamusho ee ku yaala magaalada, waana laga aqbalay isla dugsigii uu codsaday.
Dhaqane horaan idiinku soo sheegoo waxa uu ahaa wiil firfircoon dadla dhaqanimana lehe isla markiiba waxa uu bilaabay inuu samayto asxaab cusub oo ka kala yimi magaalada qaybaheeda kala duwan, gorgortan iyo falanqayn badan ka dib dhaqane iyo asxaabtiisii cusbayd waxa go aan ku gaadheen bal inay da yarta ay ka mid yihiin is fahansiiyaan in la is dhexgalo si loo kala faaido afkaarta iyo aaraada kala duwan ee qofkasta goonidiisa uugu aasan. Waxba yaanan hadalka kugu daaline waxa ay isla fahmeen habka kaliya ee da yarta kala irdhowday la isku fahansiin karaa tahay in ay samaystaan dalad ay ku jiraan dhamaan ardayda dugsiyada sare ee magaalada ku yaala.
Ayna samaystaan madal ay ku kulmaan markasta.
Alle balankii culayskasta ha yeelatee waxa waxa alle guul ku dhameeyay hamigiisii ahaa in la mideeyo ardayda isla markaana la helo goob lagu fuliyo ujoodooyinkii loo aasaasay dalada.
Jaba waa ka danbeeyee hadaba waa halkan halka Dhaqane laga raaci doonaaye bal idhowr oo dhagaha iisii raarici.
Galabnimo jimcaa shantii iyo badhkii(5:30) kalgacaly dartii qoraxdoo carow gantaalada falaadhaha ku sabaysa aadmiga.
Waa amintii uugu horaysay ee Dhaqane falaadh aanu garanayni ka abaartay meel uu ku qiyaasay matoorka naftiisa, waxa uu taxadka kasoo bilaay cimaarada uu ku yaalo goobta ay ku kulmaan ardaydu, markii uu ku dhow yahay qaybtii u socday waxa kusoo dhacay dhagihiisa gurxan (dad sheekaysanaya) garoo marka meel cidlo ah isla markaana daar ah ku hadlayso hadalkaagu wuxuu gaadhi karaa meel waxoogaa ah,isla markiiba waxa qalbigisa ku dhacay in uu habsaamay oo gurxanka baxayaa yahay ardaydii oo isaga raagsanaaya hadana goorsheegtuu tiigsadoo garay inaanu habsaamin waxaana markiiba ka fikiray bal in uu in uu dhowra waxa uu yahay gurxanka baxaaya.
Akhriste waan u jeedaa inaad I raagsanayso inaad ogaato waxa uu yahay gurxanka baxayaaye, Dhaqane soo gaadh goobtii uu socday, fiiriyoo marba dhinac ka eeg ma la hadashaa?maka aamustaa? oo tolow hadii aad la hadasho bilaad farxada ka qastaa?
Intii su aalahaasi qalbigiisa ka dhex guuxayeen waxa uu markaliya ka war helay afar indhood oo si qajilsan u soo eegaya waa halkii GAARIYEE markaad rabto inaad qurux dumar aragto ka qajilsii garwaaqsay gurxankii uu maqlaayay ahaa munaasibadan uu ku dul sugan yahay, waxba yaanan hadalka kugusii dheerayne waxa uu gurxankii noqday wax kuu ku qiyaasay xuural cayntii janada oo dibada usoo baxday,waa laba hablood oo alle qaab iyo quruxba u dhameeyay la isa salaam hadalka iskuma sii badinoo markiiba hore usii socay Dhaqane,waayo aqoon hore iskuma lahayn gabdhaha , hablihiina naqas qaboobi kasoo bood, naa heblaayo xagaynu ku maqnayn?? naa miyaan garanayaa adaa na mashquuliyee? Mayee adaa na mashquuliyay?
Daqiiqado ka dib hablihii ha aqoonsadaan in inanka dhaafay yahay qofkii ay sugayeen waayo wuxuu furay meeshii loo soo tilmaamay sooba dhaqaaqe hadana markale la is salaan barasho cusubna la isku xigsii qof kasta dhankiisa aad uuga mabsuud barashada cusub lkn dhaqane isaga dareen kaaga ayay barashadaasi ku muday,waa dhalinyarinimo iyo xaalkaade markiiba kaftan la iskula bood,aadbaan uugu xumahay inaan farxadiinii idinkasoo dhex galo waa dhaqanee garo ninka sidaa lihiye,wax dhiba ma laha,ha ilaabin hablahaa uugu jawaabee.
la isasii waraysayoo hablihii ha waydiiyaan ujeedada ay u socdaan,dhaqane waa shaqsiyad alle ku manaystay aftahanimo iyo fahansiine markiiba si sahlan u fahansii waxa ay da yarta u qabtaan iyo hadii ay doonayaan in ay ka mid noqdaan waxa shuruudo looga baahan yahay, hablihii wax ay isla shaashaqaan isla garte in aanay jirin wax u diidaya inay ka mid noqdaan dalada isla markiiba ha ka codsadaan inay ka mid noqdaan isna soo dhawee una dhamee howshii fahanoo waa waajibkiisa in uu da yarta taageero intii itaalkiisa ah waana ujeedada kaliya ee uu ka leeyahay dalada.
Kulankii hablaha iyo Dhaqane kusoo gabagobow dareen farxadeed iyo jawi dagan oo is fahanimo telefoono la kala reebay lana balan in mar danbe la iskusoo noqdo si howsha inteeda kale loo sii socodsiiyo,dhaqane waa markii uugu danbaysa qalbigiisu farxo. Isla markiiba dareen in qalbigiisa wax kusoo kordheen lkn ma aqoonsan xaga dhibtu ka haysato sidii caadadiisu ahayd ka carow goobtii ka dib markii uu dhamaystay wixii shaqo sugaayay,caga jiid ku gaadh goobtuu baska xaafada ka raaci jiray,farxadiiyo ma jirto xaafada lagu salaami jiray sidii qof murugaysan sariirtiisii isku tuur isagoon cidna la hadlin waxooga ka dib jaleec casho daboolan oo hooyadii macaan meel uugu sii diyaarisay oo miyaabu cunto agmari karaaba hadana isku qasab ilayn waa bilaa energye(bilaa tamar) hadana markuu wax yar ku cunay halkeedii ku celi.
Hooyadii iyo xaafada inteeda kalaba dareen ha ka galo in maanta Dhaqane wax ka qaldanyihiin lkn cidna ma waydiin qofba wax malee,habeenkaasi Dhaqane waxa uu ahaa habeen uuga tilmaaman habeenada kale waayo waxa uu naftiisa ku arkay wax uu u maleeyay farxad iyo murug si barkan,habeenkii oo dhan hurdaba waatane ha u timaado wakhti uu ku qiyaasay sadexdii habeenimo walina wax hurdaa iska laayahay dib usoo xisaabi waxa maanta noloshiisa kusoo kordhay lkn hore u heli waa mardanbe oo qalbigiisu guustaagan yahay in uu dhibtan soo saaro qalbigiisa ha kusoo dhacdo muuqaal uu ku sifeeyay in uu sida dheemanta u dhalaalayo (birbirqaayo) sii dhugay oo aqoonsay in halka laga raacay tahay eegmadii dareenku ku lifaaqnaa ee galabnimadii maanta uu kala kulmay hablihii dareena in midka mid ahaa jowharadihii uu galabta arkay qalbigiisa dhex mushaaxayso ”SUBXAANAKA YAA CADIIM” markiiba soo xasuusay weedhii oran jirtay marka hore hel mushkiladaada ka dibna xalka baadh.
Waxa uu hadana laabtiisa ku qaboojiyay in uu meel uu kala xidhiidhi karo hayo xasuusoo waakii maanta telka ka qortaye, dhibkuba waa kane ma qof maanta kuugu horaysay maxaad kula hagaagi.
Hadana isku qanci in akhyaar la wada yahoo waa tii la odhan jiray akhyaari indhahay iska fahantaaye dhexda xidho dareenkaaga muuji. !!!!!
hadana ka fikir in aan arinkani hore loogu dagdagi karin!!!!!!
habeenkii sidii kaarkii kaga yaraa mar hadii uu helay mushkiladiisii kuna seexday inkastoo aanu habeenkaa wixii ka danbeeyay hurdo wacan seexan,kuna soo toos maalintii xigtay bulshadii ku hareeraysnay dhamaan aqoonsatay in dhaqane wax wayni ka khaldanyihiin lkn cidkasta oo waydiisa ku qanci in aanay wax dhibii jirin,garoo bulshadu waxay tabaysaa farxadiisii, dhoola cadaytii iyo firfircoonimadii.
Horaan kuugu sheegay in ay balansanaayeen in in mardanbe la iskugu soo noqdee waxa hadana la gaadhay maalintii la balansanaa in la is ku soo noqdo.
Dhaqane ha usoo diyaar garoobo si aanu hore uugu soo diyaar garoobi jirin wakhtigii uu soo bixi jirayna laba saacba ha kasoo hor maro.
Waxbadan ayaan is ka dhaga tiray akhtiste inaan kaaga waramo waxan dareenka cajiibkaa ku reebay Dhaqane bal I dhowr, DAGAN waa shaqsiyad ay isku gu yihiin Dhaqane waxkale kuma garatide Dhaqane wuxuu qiyaasay xuural cayntii janada,
ana waan ku raacoo, qaabka muuqaalka asluubta dhaqanka garaadkiyo fogaan araga allaaba hibo usiiyay ku darsoo waa qof garanaysa waxa alle aduunkan uugu dul uumay oo cabaadadeedu ma dhaafto.Waxa la dhigtaa dugsi ka mida dugsiyada sare ee hargaysa xaga aqoonta maadigaana gabadh somaliyeed oo la garab is tiijiyaa ma jirto marka loo eego faceeda markaasaan u garaabay Dhaqane waxa dhibaaya. Halkaa aadbaan ugu dheeraaday ee bal aan dib iskasoo qabto.
Kulankii labaad la isku imi ugu horayn laga wada hadal howshii loo balansanaa la islana afgaray,intii hore hada la iskaga soo dhawaayoo kulankan labaad laguna kala tag dareen farxadeed uu sidii hore ka qoto dheer laguna balan in wixii soo kordha telefoonka laga wada socdo si la iskula socodsiiyo talaabada sadexaad , fahanoo dhaqane waa u fursad in telefoon laga wada hadlo. Sidii caadidiiisa ahayd Dhaqane habeenkii xigayna gurigii ku laabay sariirtiisana fuul.
Markiiba ha kusoo dhacdo bal in uu caawa Dagan waco oy aad isku waraystaan isla markiiba telefoonkiisa tiigsay isla daqiiqadiiba wac Dagan la isasalaan is walaaltimo hadalka iyo isku duurxulka dhalinyaraa loo yahee salaan guud la isla soo dhaaf si akhyaareed la isku waraysay habeenkiina lagu kala seexay waraysi guud iyo in Dagan door wax ku oola ka ciyaarto socodsiinta dalada ay kusoo biirtay la islana garay taa, waa ta kalee Dhaqane wuxuu aaminsan yahay odhaahdii oran jirtay dusha hadalka kaga tuur iyadaa dareemiye:
Hadalo dareen lehna ku tuur tuur intii is waraysigu socday. Ila soco Dagan waa akhyaare wax fahantay lkn dhan ay u qaaday aqoonsan wayday. Wax dareenkiyo xanuunku kusii kordho dhaqane bulshaduna is waydiiso waxa kasoo dhaga wayn. hadana habeenkii habeenkaa ku xigay isagoo cunto qolkiisu ku cunaaya markaliya qalbigiisa hakusoo dhacdo Dagan tolow ma cuntaduu ka dhex arkay? Bal adba!!! aynu dhowrno .
Markiiba hadana isku qabanqaabi in uu telefoonka ka waco Dagan ,oo maadoo dhana wax ka cunaayaad la hadli?mayee bal horta cuntada dhamayso.
Markii uu dhamaystay Dagan wac inantii ha is waydiiso tolow Dhaqane caawana ma wuxuu kuu wadaa howshii dalada oo wax cusub kusoo kordheen allow yaa usheega dareenka qalbigiisa uugu jira,waxa ay tahayba telefoonkii ka qabatay la is bariidi howshii daladana waxoo la iska waraysay iyo waajibaadka Dagan u yaala waayo waatii habeenkii hore la isla gartay inay Dagan dalada dardar galiso,la isla soo dhaaf laga wada sheekaysay waayo dhalinyarnimo iyo qofka intuu jiray wixii soo maray sheekadu iskugu duba dhacday,haatan Dhaqane wuxuu taagan yahay fursad waxa qalbigiisa ku sheegan karo lkn qalbigiisa aadbuu uuga baqayaa in uu talaabadaa ku dhaqaago, hadana indhaha isku qabayoo dagan wax alaale iyo wixii qalbigiisa uugu jiray banaanka soo dhig.
Odhaah horaa oran jirtay hadal wuxuu amaan yahay inta aanad oranin.
Isaga talo farihiisa ka baxday waxa uu sugayaa waxa ay Dagan ka yeesho.
waa dumar iyo caadadoode waxa ay markiiba uugu jawaabta isii hal saaco oon kusoo fikiro,si niyad jabsan uugu jawaab waayahay anaana kugu soo celinaaya,halkii saaco Dhaqane ha uula mid noqdo hal Sano waatane halka saaco wax dhamaanaya maanu ahayn.
Haatan waxa la gaadhay wakhtigii ay balan sanaayeen in uu dhaqane dib usoo waco isna waabu dagdagsanaaye intaanu saacadii miridh dhaafin ha waco, daganoo dhana ka khajilaysa dhana ka doonaysaa waatane sideebay telefoonkii uugu hagaagtaa inay qabato markii koobaad ku hagaagi wayday,markaad wax naawilayso adagaa marba dareen ayaa kugusoo dhacaaya dhaqane waxaaba la moodaa in wadnahaba laga baxay hadii la qanjiidhiyo ma dareemayo.hadana ku celi,dagan markan is adkaysay oo qabatay su aashii la boob waan balansanay daganeey,daganoo qajilsan hadal dabacsan ood moodo qof xan qarsanaaya ha uugu jawaabto waxwalba waa sidaad adigu rabtay ila garoo waa gabadhe sida raga uuma caday karto dareenkeeda,dhaqane waxa kasoo booday dhidid aad u waawayn waxaabad moodaa in roob cidla ka helay lkn waxaasoo dhan wuxuu ku ilaabayaana ujeedadisii ayaa u suurowdayna,habeenimadiina lagu kala seexay farxad farxadihii dhan ka qoto dheer waxaana habeenkaa wixii ka danbeeyay dhaqane aad moodaysay in roob madaxa ka hayay ka qaaday waxa dib uula soo baxay farxadiisii firfircoonimadiisii aad maalmahan mooday in laga xabisay .
Hada jawigu waa mid dagan farxadeed qofkastaab gonidiisa mabsuud u yahayna la iskusii qoto dheeraa la abuur dareen jacayl oo aan wax loo dhigaa jirin lagu balan barbarkay ka baxdaa waa bakayle qaleen.
Waa qofkastiyo fikirkiiye In mudo ah wax dareenka sidaa u eeg lagu jiraba oo Dhaqane ku qiyaasay sanad ku dhawaad waa halka dhaqane farxadiisa kala jabindoontee bal ila soco
dhaqane dareenbaa maalmahanba ku jiray waxbuu tabayaana talow waxan ka qaldan Dhaqane? Waxa uu tabayaa wax kale waxa maalmahan Dagan ka tabayaa dareenkeedii farxadeed ee aad iyo aadka saaidka u ahaa kuma dagdagin oo waxa uu bal sugayaa falka ku xiga ilana garoo hada dee waxa lo kulmaa si joogto ah lagu balan mid ka mid ah balamihii jadwalkooda jacayl uugu qornaa,lagu balan meel ka mid ah barxadihii lagu kulmi jiray jacaylkooda aas aaska u ahaa la isa soo gaadh horaan kuugu soo sheegay in Dhaqane waayadan wax tabaayee si aad moodo inaanay xiisaba ku xidhnayn Dagan ku qaabishay,la isna waraysay qofkasta iyo waxa kusoo kordhay Dagan waxaad moodaa in ay markan wadne aanay lahayn soo amaanaysatay,si aanay cabsiba ku jirin warka shaaca uuga qaaday isla markaana u sheegtay in maanta wixii ka danbeeya uu xidhiidhkoodu gabagaboobayo,Dhaqano ood moodo in wadnuhu dibada uuga soo baxaayo isla markaana markaliya haraaday uugu jawaab oo waayo gacalo Dagan markan wadne kalaysidataaye uugu jawaabtay in waalidkeed sii yay wiil kale oo ka yimi wadamada reer galbeedka iyana sidaa ay ku aqbashay .ALA dhulku kulama go’o Dhaqane dhaygag sidii qof laydh ku dhagay,markii afkiisa hadal danbe kasoo bixi waayay Dagan halkii hakaga dhaqaaqdo,cabaar wuxuu sidaa ku sugnaado goor danbe aqoonsay in uu ku sugan yahay gagi cidlaa.
Isagoo caga jiida iskaga dhaqaaq meeshii,waatii somalidu oran jirtay habeenkii dhulkaa kala baxee sariirtiisii ma mid aanu gaadhaybaa. Aakhirkii gaadh sariirtiisii isagoo tabcaan ah oo gurxamaya(isla hadlaaya) hadalo isdhaafa ku sheekaynaaya hadana wuxuu cabaar sidaa ku sugnaadaba is qabay oo ma janadii baad agmartay hadaad Dagan wayday.
hadana soo mirkac oo Dagan ma qof la ilaabi karaa.
Habeenkaa wixii ka danbeeyay Dhaqane waxa uu dhex galay mowjad cusub oo murugiyo walaaca,wax ma cuno,ma hadlo ma sheekeeyo cidlada iyo sariirtay saaxiibo aad u dheer noqdeen maalmo gudahoodba muuqaalkiisii miisaankii labaduba ha ku lumaan wax uu mudo sidaa ku jiraba Dhaqane waxa baadhay halka ay dhibtu uugu timi wakhtigii ka danbeeyayna waxa uu dhaqane go aan saday in uu deegaanka badasho oo waatii la odhan jira haday meeli kugu xumaato waa la deegaan badashaa.
Waxa goor aan habeen iyo maalinba ahayn u xamaan uruursaday dhabo rafaad iyo raxanraad badan oo dadka qaarkii u yaqaanaan (TAHRIIB) lkn isagu wuxuu u haystaa wadada kaliya ee u banaan, waayo waxa uu ka niyad jabay wax kasta oo hada kahor waday Dhaqane waxa iskugu darsaday tahriib iyo warwar xad dhaafa oo hadii qof hore u aqaanay kasoo horbaxo waa dhinac marayaa ila socoo waxa is badalay muuqaalkiisii wax uu soo dhibtoodo dhaqane aakhirkii wuxuu ku guulaystay in Alle nabad keeno mid ka mida wadama yurub hadana uu ku sugan yahay isla markaana isku dayayaa bal In uu nabaradii soo gaadhay baanto .
Halka ay Dagana ku nooshahay magaladii uu kasoo dhalandhoolay kuna haysato laba caruura .
DHAQANE SU AAL KALI AH QALBIGIISA KA DHEX GUUXAYSAA TAHAY
SU AASHA AAN SHEEKADA CIWAANKA UUGA DHIGAY OO HORANA WAAN UUG ARAARTEE AKHRISTE ISKU DAY INAAN KA JAWAABTO SU AASHAA?………
Dhaqane wuxuu sheekadiisa iigusoo gabagabeeyay in cidii ay sheekadi gaadho in ay fasax u haysato inay ku cabirto dareen suugaaneed.

Abdi Aziz Ahmed Jama
Tell:004915217566799
Shide0606@hotmail.com
https://www.facebook.com/abdi.shide

Hamburg Germany

QORAA MADAXBANAAN