Kalfadhigii Shanaad ee Golaha Deegaanka Berbera oo ku Furmay Khilaaf iyo Awood kala-riixasho u Dhaxay Hoggaanka Golaha Deegaanka iyo Xildhibaannada Dawladda Hoose

golaha deegaankaBerbera (SLpost)- Kalafadhigii Shanaad Ee Golaha Deegaanka Dagmadda Berbera  oo la filayey inuu maanta si rasmi uga furmo xarunta Dawladda Hoose, ayaa u dib-u-dhac ku yimi, ka dib markii kalfadhigu ku bilaabmay khilaaf soo kala dhex-galay hoggaanka Golaha Deegaanka iyo Xildhibaannada Qaarkood.

Maayarka Golaha Deegaanka Dagmadda Berbera Mudane Cabdi Shakuur Maxamuud Ciddin, ayaa lagu eedeeyey inuu Majara-habaabiyay Ujeeddadii Kala-fadhiga Ka Dib Markii uu shir-jaraa’id u beddelay Kalfadhiga oo ay goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah War-fidiyeennada ka hawl-gala gobolka Saaxil oo lagu soo marti-qaaday.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Dagamada Berbera Mr. Cidin, ayaa isla markiiba intuu makarafoonka qabsaday, ayaa waa uu bilaabay hadal iyo khudbad ay ka biyo-diideen Xildhibaannadii madasha fadhiyey ee u soo diyaar-garoobay furitaanka Kalfadhiga, waxaana markiiba bilaabmay Sawaxan iyo buuq hadheeyey fadhigii Golaha, isaga oo maayarku doonayay inuu awood ku socodsiiyo Sharraxaadda kalfadhiga uu shirka jaraa’id u beddelay, waxaana mudaneyaashii goobta fadhiyey waraaqo u qaybiyey Xoghayaha Golaha Deegaanka.

Ka Dib Dood Dheer Oo ay Xildhibaanadu La galeen Maayarka kana codsadeen inuu Kalfadhiga keeno Ajandihii Kalfadhiga 5aad, Xisaab-xidhkii Miisaaniyadda Sannadka, Wax-qabadka iyo Mashaariicdii Sannadka Dawladda Hoose fulisay, haseyeeshee waxa taas ka biyo-diiday maayarka Degmada Berbera, taas oo sababtay inay Xildhibaanadu Dibada Uga Soo Baxaan Hoolkii Shirarka.

Haddaba, waxa xarunta Dawladda Hoose shir jaraa’id ku qabtay arrintanna kaga hadlay Xildhibaanadii ka baxay kal-fadhiga, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamed CALI XAAJI AXMED iyo Xildhibaan Muuse Daa’uud Cilmi.

Xildhibaanadu Waxay Sheegeen in Dayn aad U Fara-badan oo xaddigeedu dhan yahay Malyuun iyo Badh Dollar (1.5 Dollar) lagu leeyahay Golaha Deegaanka Berbera muddadii uu Guddoomiye Ciddin maayarka ka ahaa magaalada Berbera.

Waxaa Kale Oo ay Xildhibaanadu Kaga Dhawaajiyeen Inuu Maayirku Jabiyay Xeerkii Iyo Dastuurkii u dejisnaa golahooda isla markaana uu ku takri-falay awooddiisa, qas iyo kala-qaybina ka dhex-dhaliyey shaqaalaha Dawlada Hoose ee Berbera.

Ugu Danbayntii, Xildhibaanadu waxay Baaq U Direen Madaxwaynaha Iyo Wasiirka Arrimaha oo ay u jeediyeen in haddii aan Maayar Ciddin laga qaban Golaha Deegaanka Berbera uu dhici doono Gadood Shacbi Iyo Kacdoon wax ka beddela xaaladda Golaha Deegaanka Berbera.

SOMALILANDPOST.NET