Kalfadhigii 17aad ee Golaha Wakiillada oo maanta furmay iyo Nuxurka Ajandayaasha Golaha la hor keenay

Hargeysa, 21 January, 2012 (SLpost)- Waxa maanta Magaalada Hargeysa ka furmay Kalfadhigii 17aad ee Golaha Wakiillada Somaliland kaas oo xildhibaannada golaha loogu qaybiyey ajandayaasha kalfadhigan.

Kal-Fadhigan maanta furmay oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro), ka dib markii loo qaybiyey ajandaha kal-fadhiga, waxa uu Guddoomiyuhu mudanayaasha u soo jeediyey in ay soo naaqishaan ajandaha kalfadhiga isla markaana ay maalinta Berri ah la isugu soo noqdo si looga dodo.

Ajandaha Kalfadhigan  ayaa wax aka mid ah

  • Warbixinta Shirguddoonka iyo guddida joogtada ah
  • Mashaariicda sharci ee golaha horyaala
  • Anisixinta Miisaaniyadda Qaranka
  • Wax ka bedel iyo kaabista xeerka baanka dhexe
  • Xeerka baanka Islaamka
  • Xeerka Nabadgalyadda Wadooyinka
  • Xeerka Biyaha
  • Xeerka Iibka Hilibka
  • Xeerka ka ganacsiga hawlaha baanka
  • Xeerka aasaaska komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa
  • Xeerka caasimadda
  • Xeerka ciyaaraha
  • Ansixinta masuuliyiinta qaranka
  • U yeedhis masuuliyiin qaran
  • Iyo wixii kale ee soo kordha

Somalilandpost News

webmaster@somalilandpost.net