“Kala-duwanaanshiyaha Afkaarta siyaasadeed ee Kulmiye maalmaha soo socda ayaa la xalin doonaa” – Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa bulsho-weynta Somaliland ugu bushaareeyey in khilaafka ka dhex aloosan Xisbiga Kulmiye eek u salaysan kala-duwanaanshaha Afkaarta siyaasadeed ee Xisbiga xal kama dambays ah laga gaadhi doono maalmaha soo socda.

SIILAANYO

 

Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye ee hoggaanka dalka gacanta ku hayaa uu sii wadi doono shaqada ay Shacabka Somaliland u igmadeen marka la dhammeystiro khilaafaadka siyaasiga ah ee ka dhashay afkaarta kala duwan ee madaxda Xisbiga Kulmiye.

Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu sidaas ku sheegay Farriin lagu baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

“Kala-duwanaanshiyaha Afkaarta siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye maalmaha soo socda ayaa la xalin doonaa,” sidaas ayuu Madaxweynuhu ku sheegay.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu farriintiisa ku yidhi, “Xisbiga Talada hayaa, wuu sii wadi doonaa inuu u adeego Shacabka Somaliland.”

Khilaafka ka dhex-aloosan Xisbiga talada haya ee Kulmiye ee madaxweynuhu ku micneeyey Kala-duwanaansho Afkaar siyaasadeed, ayaa u dhexeeya labada garab oo ay kala hoggaaminayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo labadoodu dhowaan shaaca ka qaaday inay u taagan yihiin murashaxnimada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye.

Md Axmed Siilaanyo oo dhowaan ka hadlay khilaafka xisbiga iyo damiciisa, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo cid kasta oo kula tartamaysa murashaxnimada Xisbiga, halka guddoomiye Muuse Biixi-na uu sheegay sidoo kale inuu madaxweyne Siilaanyo kula tartamayo murashaxnimada Xisbiga ee madaxweynaha doorashada la rejaynayo sannadka dambe inay ka qabsoonto dalka.

Somalilandpost.net/Hargeysa