Kal fadhigii 16 aad Ee Goloha Wakiiladda Somaliland Oo Maanta Furmay

Hargeysa (SLpost)- Kal Fadhigii 16 Aad ee Goloha Wakiiladda Somaliland, ayaa Maanta Si rasmi ah uga Furmay Xarunta Golahooda, waxaana xildhibaannada loo qaybiyey xeerarka iyo ajandayaasha horyaala Golaha

Kal-fadhigan oo uu Shir Gudoominayay Ku Xigeenka Kowaad ee Guddoomiyaha Goloha Wakiiladda Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Golohu waxa uu Gudda galay Isla markaana loo Qaybiyay Ajanadayaasha Horyaala Goloha.

Gudoomiye Ku xigeenka Kowaad ee Golohu waxa uu Mudanyaasha Goloha Uu Ku war galiyay in Golohu uu furan yahay, isla mar ahaantaasna ay Guda galin Doonaan Ajanadayaasha Hor yaala Goloha.

Xildhibaanadda Goloha Wakiiladda Somaliland, ayaa dhankooda wax iyana loo qaybiyay Xeerarka iyo Ajanadaasha Hor yaala Goloha, kaasi oo ka koobnaa Mashaariicda Sharci ee Goloha Horyaala, Warbixinta Shir Gudoonka, iyo Waliba Qodobo kale oo ay Ajandayaashani Wataan.

Somaliland Post News Desk

somalilandpost@yahoo.com