KADALOOB IYO KEENADIID (Q.2aad) – Qalinkii Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed (Mandeela).

Keenadiid_KadaloobKadaloob iyo keenadiid duqay weeye kasmaaloo,
dalkooda korkaa ka ilaashoo, iyagoon cidna maagin
oon gole waynaha keenin ,kashifa xaaladaynu marayno.

Kadaloob: waad mahad santay saaxiib, dee tan aad sheegaysana, talada waynu isku leenee anigaa isku noqonaaya.

Keenadiid: waayay Saaxiib, allaa macaka.

Kadaloob: Waaryaahe, dee ninku si wayn ayuu ila hadlay,yaa,yaa,yaa, cajiib, iga walla beriba horta waa inaan kii kacaan, wasiirkiisana mooyee u tagaa, oo aan idhaahdaa maxaa horta adiga iyo dawladaadu noo qabateen ee aanu maalin walba idinku difaacnaa, ee aanu tol, sokeeye iyo xididba isku seegnay,yaa, yaa,…. aabo hooyadiin meeday.

Kaaha: Ee waa ikane, maad soo gelin bee maxaad la guuraabaasaysaa ee aad la qaylinaysaa,maanta ma maalmihii qolooyinka jaan, heeryada ku saaran jireenbaa.

Kadaloob: Naa imikaad waxaan loo fadhiyin iyo jin iyo jaan ka sheekayn doontaaye,waxaad yeeshaa lacagtaa qaadoo caruurtu waatii durisanayde, ilaa xalayna waa kuwii sadexda yar yari aan mar qudha qufaca afka ka qaadine usoo iibi waslad yar oo aad maraqa uga saarto, baaqigana waakii ilaa habeen hore gurigu inagu madoobaaye inoo soo sii xabad fawniisyada yar yara, oo aynu shidano inta ilaahay meeluun ka keenaayo lacagta yar ee ay wuxu laydhka inooga goosteen; aniguna maanta meelna tegi maayoo halkanaan iska fadhiisanayaaye, waxaad yeeshaa hadh qoodaalka jiingada, imika markuu hadhku soo rogmado intaad ii rushayso cawda ii dhig.

Kaaha: Maanaan garan inay wax jiraan, ee waligaaba guriga daqiiqad maad fadhiisanine, maanta maxaa kaasiya ee kuu diiday marfashyadii iyo ragii aad la fadhiisan jirtay.

Kadaloob: Naa waxaan ku idhi, intaad waxan oo hadala iga dayso, waan daalanee, aan iska fadhiistee cawda ii dhig, telefoonkaygaa gacanta ee miiska saaranna waaka dhacaayee ii dhiib.

Kaaha: Ee bal hoo, lanbarba ma muuqdoo (private number) waxaan filayaa inuu yahay duco qabii aad abtiga u ahayd, ee habeenadanba telefoonkiisa cajaladu kaa qabanaysaye.

Kadaloob: Naa keen,kaasi ducuu qabaaye;Halaw, Halaw , haa imikaan ku maqlayaaye, waa kuma,……….,haa haa, dee caaqil bilaa lambar baad igu soo gashoo sidaasaan kuu garan waayee ii waran oo maxaad haysaa;……… haye, haye, haye, waan gartay, waan gartay; saaxiib walaahay idinkaga maan bixine, saaka arinteeni awgeed waaban soo kallahee, markii aan hudheelka soo galay ayaan arkay kii Daaniye iyo Qasbaaye oo hawsha gacanta ku hayoo,adigana waan ku eeg eegoo waan ku arki waayay, dee labadaasi nina waad garanaysaayoo, gacanta waxay ku qabtaan waa qub iyo qac; iyo aynu is dilno, dabadeeto waxaan is idhi intii aad labadaasi nin isku ceeboobi lahaydeen adigu iskaga tag, oo suuqaygaan iskaga foof tagaye, adigu saaxiib ii waran, oo hawshii soo si wanaagsan idiinku may qabsoomin ?……….waan gartay, waan gartay, waan gartay, haye, haye, haye, sax, sax sax, waa si wacan,………. maya saaxib maanta idiin iman maayoo halkii gurigaan fadhiistoo,hawlo yar yaroon leeyay ayaan iska dhamaynayaaye,ee aynu caawa gooreheeni danbe soo wada hadalno,markaasaynu kala warqaadan doonaaye.

Kaaha:Ee kan aan duco qabii moodaayay, ee sidiisii bilaa lambarka kugu soo galay, ee ina hungeeyay muxuu ahaa,igawala iyo diinta uurkaan ka farxoo waxaan hoosta ka idhi waakaa casaa wa jaluhu isagaa wayn, oo qaniyoo qaadiree, kuwii laydhka iyo kuwii bakhaarka raashinka oo ilaa duraad kolba ila soo hadlaayayba idin soo kala furtay.

Kadaloob:Yaah,waa caaqil kadeedoo, saaka ayaanu isaga iyo odayaasha reerka balan wada lahaynoo, markaasaanan u teginoo, imikana waaniga halkan joogoo, markii marfashkiina layga waayay ayuu caaqilku isoo garaacay, oo waxa uu ilahaa maxaa ku helay maanta ee aad ku maqan tahay.
Kaaha: Oo ma sadexdii inan bay daan sidii u kala saarin, car waan arkaayoo, waa hadaanu cag culayskiinaasi inamada isku dilin, ee inamada intay goori goor tahay kala saara, oo waad aragtaa sida uu xildhibaankii hore ee ilaahuuni ogaa sidii reerku ku soo saaray ee yar iyo waynba cadceeda loo taagnaa uu faryo bidix uga baxayee, aanu maalin qudha uga shaqaynin dantiisa mooyee wax reerkii soo doortay iyo umada kale ee reer Somaliland toona udanee, imikay arintu gacantiina ku jirtaaye ka fiirsada, oo inamada aqoon iyo dadnimo u eega, oo ku kala saara.

Kadaloob: maya,taasi todobaadka danbe ayaanu u balanaye, maanta waxa loo balan sanaa qolo maalin dhawayd mucaaradku soo abaabuleen oo uu hor kacaayay kii Caaqil kadiye ee bidhiidh qaataha ahaa,oo xukuumada wax ka sheegay, in wixii ay halkaasi ka sheegeen ay beeshu iska beri yeesho,oo ay umada iyo xukuumadaba u cadayso in qoladaasi ahaayeen dhalin yaro aanu caqligoodu ku filnayn oo la khalday, cid ay mataleyena aanay jirin,waxii ay halkaasi ka yidhaahdeena kaligood ku koobnaa,beeshuna sidii horeba loogu yiqiin ay dawalda ku bar bartaagan tahay sugida amniga, markastana ku bogaadinayso horumarka iyo wax qabadka muuqda ee ay ku talaabsatay mudadii yarayd ee ay talada dalka haysay, kana soo hor jeedo cid kasta oo fadqalalo abuuraysa,wiiqaysana nabad gelyada iyo wada jirka umada somaaliland.

Kaaha: Eeyaahe, eeyaahe, ee miyaanad ahayn qof muslima oo ashahaadanaaya, oo aanad ilaahaaga ka baqaneynin,ee dhalin yaradaad sheegaysaa miyaanay ahayn kuwii aynu habeenkii dhawayd halkan ka wada daawanaynay, ee shaqo la’aanta iyo cadaalad darada ka cabanaayay,ee kuwaasi hadalkoodi maayagaa qawl beenaba ku daray.

Kadaloob: Naa yaahe,Naa yaahe, naa urura-dan iyo waxan gaaladu idiin samaysay ayaa idin waalay oo idiinka daraye,arintaasi maaha mid adiga iyo xaawalay dumar oo kale toona wax laga waydiinaayoo, ragbay u taalaaye,orodoo intaad xishooto, oo dumar baad tahaye, aad hadalka yarayso, ku foof danahaaga, oo hawlaha gurigaagu ha ku deeqaan, kuwaasaa inaad wax ka qabato u baahane.

Kaaha: Ee marka samaha laguu sheego ayuunbaad sidii aad raran ku taagan tahay guba-taa,indhahana kor u majiirtaaye, waxaan ku idhi kadalooboow,horta waanu aamusanuune,ma ogtahay in adiga, afwayne iyo caaqil kadeedba umadu idinla yaaban tahay oo ay sidaas laydiin eegaayo,ee ilaahaga ka yaab oo sidani si maahee, sidan isu dhaan; ilaahii maxamed sameeyaan ku dhaartee ma jirto maalin aan nalagu kiin ag xaman, oo dadkiiba waanu dhex mari kari la’nahay,dorrata-daasaa udanbaysoo baska dhexdiisii lama dumara oo idin hadal haya dirqibaanu ku kala baxsanayoo rakaabkii baskaa nagu kala guntadaye, hooy, hooy, kadalooboow, waxan maad iskaga bixi, oo magaca aniga iyo ubad kaaguba waanu kula leenoo xuma iyo samo wixii aad samaysaa wuu na soo gaadhayaaye, waadigan oo waynidiibaad raadkaagi dib u qaadaye, waxan aad baxdo iyo dhacdo ku foogan tahay maaha wax if iyo aakhiro midna ku anfacayee maad isku noqon, oo intaad faraha ka qaado,hoos maad u eegi ubadkaagan iyo baylahda kala duwan ee reerkaaga.

Kadaloob: Waar yaadhaheen, waar bal amuurtan iyo yaabkan daya, naa maanta ma anigoo kadaloob filkii karoone ah, oo reer cir jiidh oo dhan, ah odayga wax laga waydiiyo, ka awoow ka awoowna soo talinaayay, ayaad rabtaa adigoo xaawalay dumara inaad wax ii sheegto, naa waligayaba dumar wax nooma sheegine, waxa nagu san iyo waxa nagu xuna waanu kala naqaanaaye,adigu,waxaad yeeshaa, ha nawareerine, intaad waxan oo hadala naga dayso, orodoo, danaha gurigaaga qabso, oo shaah khafiifa oo aad sonkarta ka yarayso ii kari, caruurtuna waslada yar yay ka seexane, si ay fiidkaba ugu bislaato, aad goor hore usaartide ula soo carar.

Kaaha: Ee idhagayso, idhagayso, waligiinba marka runta laydiin sheego ayaad kiis iska waal, warmaha u tumataane,waxaan ku idhi, hadaad xumaha iyo Samaha kala saarayso,ma adiga oo aynigana, oo cid kale iska daayoo inankaagi curad uu shaqo la’aan awgeed uu maanta u tahriibay, sadex caano maalna meel uu ku sugan yahay aanad ka war hayninbaad dadka la soo hor fadhiisan lahayd dawladu waxbay qabatay, Ma iyadoo ilaahaybaan kugu dhaariyee laba habeen gurigu kugu madoobaa baad TV-ga la soo fadhiisan lahayd dawladu waxbay qabatay; ee ilaahaaga ka yaab, oo aakhiradaada u tudho,dawlada aad sheegayso teeda hoose iyo teeda sare tooni umadan wax umay qabane; waad aragtaa oo wax kale iska daayoo dawlada aad sheegayso teeda sare waxay dayac tiri kari la’day xadhkihii laydhka ee waagii marxuum Maxamed H.Ibraahin Cigaal horteena la mariyay, oo waadigaa maanta ka laydhka la’, ee dhiig miiratadu hadh iyo habeen wadnaha ku cadaysay;ti hoose ee aad ogayd maalintii codaynta wixii aniga iyo labada caruura ee roon roon dhib iyo rafaad naga qabsaday ee aanu xataa sidaanu kayuuga ugu jirnay ku qado beelnay,kuwii loo doortay, waa kuwaa aad aragto, ee cashuur ay kordhiyaan mooyaane caqli kale yeelan waayay,ee aad moodo quruun aynaan inagu arkaynin inay wax ka boobayaan.

 

Qalinkii: Qaryaqaan Jamaal Xuseen Axmed (Mandeela).

Phone: 4122290.

Email: Sharmaarke_66@yahoo.com

Blog: http://cadaaladdoon.blogspot.com.