Kacdoonkii Isbeddelka ka dhaliyey Masar oo dabayshiisu weji kale u yeeshay siyaasaddii dalkaas ee ku wajahnayd Somaliland

Hargeysa (SLpost)– Isbeddelka ka dhashay dalka Masar ee midhihii kacdoonka Shacbigu abuureen ayaa sababay siyaasad weji kale leh oo dalkaasi ku qaabilay macaamilkii iyo xidhiidhkii ay Somaliland la lahaayeen oo labaatankii sannadood ee u dambeeyey lid ku ahaa jiritaanka Somaliland.

Dawladda Masar ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday inay maalgashi ka samayso jamhuuriyadda Somaliland kuwaas oo ay ka mid yihiin warshadaha iyo isgaadhsiinta.

Safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaliya Mr Ayman Majid Abas oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Magaaladda Hargeysa, balse maanta warbaahinta la kulmay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshiyaha Magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, isaga oo ka sheekeeyay ujeedada uu halkan u yimid.

Safiirka dawlada Masar u fadhiya dalka Somaliya oo fadhigiisu yahay dalka Kenya Mr Ayman Majid Abas oo dhowrkii maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa Somaliland isla-markaana kulamo la qaatay masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa waxa uu sheegay in dawladiisu doonayso inay maalgalin ka samayso Somaliland isaguna uu u yimid Hargeysa si uu u sahamiyo arimahaasi “Masar waxay doonaynaa inay halkan ka samayso mashaariic maalgalineed, sida isgaadhsiinta, Masar-na waxay ka mid tahay wadamada Afrika ee ugu horumarsan dhinaca isgaadhsiinta” ayuu yidhi safiirka Masar ee dalka Somaliya, waxaanu intaa ku daray in dawlada Masar doonayso inay Somaliland u soo dirto dhakhaatiir “Masar waxay doonaysaa inay Somaliland u soo dirto dhakhaatiir.”

Mr Ayman Majid waxa kale uu iftiimiyey sida dawlada Masar ay danaynayso inay Somaliland xidhiidh ula yeelato, isaga oo soo qaaday inay wasiirka arimaha dibada ka wada hadleen arimo badan. Dibloomasigan reer Masar oo la waydiiyay sida dawladiisu u aragto faro-galinta dawladaha Kenya iyo Itoobiya ku sameeyeen dalka Soomaliya ayaa diiday inuu arintaasi ka hadlo isaga oo ku jawaabay “Su’aashaasi waxaan ka jawaabi doonaa markaan Muqdisho taggo”

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net