Kabuubyo!

 

Magacaygu waa Kayse A. Wax kasta oo aan faraha ku hayay waan saydhiyay. Mar uun baa anigoo ladnaan ku jira, iima fure ii raray. Intaan hiyi kacay ayaan geeddiga lalabay. Adduunkii gacantayda

ku jiray ee Ilaahay i siiyay waan qawaday. Intuu ila yaraaday daaskii dhamaa ayaan daadiyay. Labaatankii kun ee doolar ee hoos yaalayna waan xaraashay. Waxaan raagsanayay intuu iibku go’ayay. Wax baa dabada iga waday oo bixisaa i dedejinaysay. Markaa ismaan qiimayn karaynin, oo maan aqoonsanayn waxa i eryayaa inay khalad tahay, haddaanse qiraal ahay oo aan seed iyo jiidh kala saafi karaa. Keliya waxaan mashquul ku ahaa markaa, gaadhista tigaad meel durugsan iiga bidhaantay. Itaalka korodhsaan is lahaa, laakiin biirsigu dhan uu jiraba ismaan waydiin. Sidaan xasilooni ugu shaqaysanayay ayaa mar qudha wax igu soo degeen.

Ficil aan fiirsi iyo faallo ka horraynin ayaa shucuurtaydii beddelay. Wixii gacanta iigu jiray iyo sidii aan u noolaaba way ila xumaadeen. Wax aan faraha iigu jirin iyo sheekana way ila qurux bateen. Safar dheer oo sidaan moodayay ka digo kulul ayaan galay. Saymo iyo saxariir badan ka nabad galay, oo sidaan marba jeebka gacanta u gelinayay, aakhirkii ka gudbay halistii dad qalada. Anigoon shilin igu hadhin, dharna shaadh iyo surwaal aan xidhnaa mooyee aan shay kale haynin, ayaan istaagay jarkii laaca fiicnaa ee naftayda hayaanka ku kelifay.

Meel kastaaba waa shidan tahay, ma halkan, mise halkaa ayaa tagtaa, xiise burur iyo xulashaan galay. Dunida cusub daawashadeeda ayaan ashqaraar ka qaaday. Laydhkii xidhiidhsanaa ayaa laambadiba laambad kale ii sii dhiibtay. Nalkii meel ka daaranba waan ku leexday. Albaab kasta waan garaacay, mid keliya oo layga furayna ma jiro. Dadaal kasta waan sameeyay si aan u gaadho muraadkayga, haddana, meeshaan talaabo u qaadaba waxa igaga soo noqotay MAYA, lagaama ogola halkan ee ka bax oo ku noqo bartaad nagaga timi. Haatan sagaal sanadood baan soo moogaa bartii hooyo, sagaalkaaba waxaan ahay is dulme ku dulman duni aan quruskiisu oolin. Dalba dal buu ii dhiibay, calanba calan buu ii dhiibay. Haddii carra edeg barlaawaha la hayn jiray, halkan (Europe) marti gelin maalin iyo laba ah mooyee, tirsiimo kale ma jirto, mar haddaanad tirada ku jirin.
Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka, Beljim, Denmark, Holland, Sweden, Norwey, Finland… intaasaan ku wareegayay sagaalkaa sanno, welina ku wareegayaa. Dadkaanu dhiiga wadaagno ee ku nool mid walba kun jeer baa farahayagu is gaadheen. Imika bidhaantaydu waa u naxdin. Way i karheen, anna waan dareemayaa. Waan u garaabayaa, haddana, ilaahay uun baa muuqayaga kala asturi kara. Shaqo kasta oo suuq madow ah oo aan helaaba cimri ma sii yeelato.
Haatan waxaan taaganahay quus. Waxaan ahay wareege aan cidna u tirsanayn, meeshana qof aan tirsanayn looguma tala gelin inuu ku noollaado. Markaan jeedaaliyo humaagyaddaa foosha xun, dareenkaygu wuxuu yidhaahdaa waxaad tahay nin nasiib daran oo khasaaray, isla markaana lumiyay wax kasta.

Gaadhiwaaga waxaan tiigsanayay ee aan saymaha u maray iyo fara madhnaanta aan taag nahay ayaa wadnahayga niyad jabka ugu wacan. Hase yeeshee maskaxdu intaa waxay soo diraysaa go’aamo iyo amaro tusmaynaya dibu kabista mustaqbalka. Waxay ii tilmaamaysaa khaladaadkaan galay iyo ciqaabta aan maray inay is leeyihiin. Sababtoo ah, dareen baan ku guuray oo jamashadii iyo muhashadii nafta ayaa i hogaamisay, garaadkii qofnimo ee hagista ruuxdana ka maroorsaday shukaantii. Shalay iyo maanta isku mid ma ihi. Shalay waxaan ahaa nin haystay wax aanuu hadda hayn, maantana waxaan ahay nin haysta wax aanuu shalay haynin. Inyar oo far hunguri ah mooyee, fasal intaan fadhiistay digrii waxbarasho maan qaadan, jaamacad cilmiga nolosha lagu bartana kama qalin jebin, hadana waxaan ahay khabiir ka baxay jaamacad la yaableh. Kharash ka badan kii jaamacad caadi ah lagu dhamaysan lahaa ayaa igaga baxay. Macalin keliya ayaa wax ka dhiga jaamacada. Magaciisu maaha mid qarsoon. Waa caan dunidoo dhan laga yaqaano. Qof sarbeebtaydan ku gartay iyo mid aan garanba, mid dhintay iyo mid noolba wuxuu u ahaa, hadana u yahay macalin. Wuxuu i baray casharo caqligu u arko guul, balse dareenkayga weli waxa ku wayn yabaalka nolosha.

Haatan waxaan abaal ku qabaa in la ii celiyo sidaan shalay ahaa, laakiin taasi suuroobi mayso. Intaa waan garanayaa, misana gocashadeeda iyo hibashada maalmahaa ma daayo. Dhan kastaba markaan dayay, imika waxay dantaydu ku jirtaa in laygu celiyo baradaydii. Bartaan shalay qawaday ee aan ka hayaamay. Hase yeeshee sidaan ugu noqon lahaa ma fududa. Haday sahlan tahay ciilba maan qabeen oo tol iyo xigaalba nooli kama waayeen, balse mashaqadu waxay tahay warqad dhaqdhaqaaq ma haysto, la’aanteedna gaadiid igu celiya halkaygii ma raaci karo. Khawaajaha markaan ku idhi, i celiyana jawaabtoodii waxay noqotay, ma anagaa ku keenay markii hore, sidaad ku timi ku noqo oo anaga na dhaaf. Ma doonayaan in aan la joogo, in aan ka tagana igu saacidi maayaan. Hase yeeshee, haatan waxaan rajaynayaa in layga aqbalo codsigaygii ugu danbeeyay oo ay iga caawiyaan sidaan uga bixi lahaa hawadooda, ciiddooda, baddooda uguna laaban lahaa gurigaygii.

Maxaa I Dhaqaajiyay

9 sannadood ka hor waxaan ku noollaa Burco. Waxaan haystay dukaan wayn oo camiran, suuqiisu shidan yahay, dakhliga soo galaana aad u sareeyo. Ilaa labaatan kun oo doolar xoolo gaadhayay ayaa hoos yaalay, ka hor intii aanan saylada dhigin. Waxaan diyaar u ahaa meherka gabadh aan aad u jeclaa, oo sheekadu noo dhamaatay. Wax walba waan diyaariyay, isla markaana waxaan u sheegay inay reerkooda wargeliso. Balantu khamiis (hakiya bila) bay ahayd. Maalin kadib waxa igu soo noqday war sheegaya, in odaygii reerku maqan yahay oo la sugayo.
Laba todobaad markay ka soo wareegtay maalintaa, baan la hadlay gacaladay oo aan waydiiyay in odaygii yimi iyo in kale. Hase yeeshee, waxa igaga yimi wax aanan filaynin. Waxa igaga yimi waxaa mustaqbalkaygii carcaraafka baday. Waxay igu tidhi; “walaalow, nin baa la i siiyay London ka yimi, markaa aan raali kala ahaano.” Anigana markaasaa degenaan iigu dambaysay.

Todobaad tiih iyo ciir ciir ah markaan ka soo miiraabay, waxaan ogaaday ninka guursaday. maaha nin iga fogba, waa Faysal oo maalin hadduu iga maqan yahay maalinta labaad shaxaad ii dul taagan. 20 sanno oo uu maqnaa sanadkaasuu dirqi ku soo dhoofay. Madaxeeduu mija u rogay, hooyadeedna wixii ay haysay ayay gacanta ka gelisay. Far iyo malab buu isku dhuuqay. Markuu haakah yidhina waa tegay, wuxuu u sheegayna ceeryaamo haamo ka dhaansay noqdeen. Nin nolosha ka dhacay oo aan tiisana wax tarayn, tu kalena qaadi karayn inuu yahay la ogaa. Soo jeesanwaa runtiina hortooday timi. Muraara dilaacii Ilwaad way is haligtay ajasheediina way goysay. Dhoof baa dulmiyay, iskaaya seejiyay, waxaanu eersanaynaa waa Baasaboorkaa Faysal. Markii aan maqlay dhimatay Ilwaad, ayaa ana cagta layga gujiyay oo dhaqaaq oo ka tag meeshan laygu yidhi. Waxaan u fadhiistay si khaldan, kabuubyaan la sara kacay, kadibna waxaan qaatay go’aan khaldan oo xaga EEBBE laga aqbalay, garana maayo goorta ganaaxiisu iga dhamaanayo. Waxaanse ku niyadsamahay wax aanan isu gaysani ima gaadhin, waayo, markaan is qawadaa lay qawaday.

Muuse Jaambiir

Jilaaga dhacdada: Kayse A.

Curin ka soo jeedda dhacdo dhab ah.