Kabtankii Markabkii ku degay Kuuriyada Konfureed oo la xidhay Kadib Markii Uu Isga Kalidii Uu Isbadbaadiyay

SouthKorea (SLPOST)Kabtankii wadey markabkii ku degay Kuuriyada Koonfureed maalintii Arbacada ayaa sheegay in ciladda markabku u degey ay ahayd cimilada oo aad u xumeyd, dabayl, roob iyo ceyraam is qabsatey, waxaa taas dheer in aaney helin wax gar-gaar ah oo deg-deg ku soo gaadha iyo sama tabixinta oo si gaabis ah ku socota.

14-svyle-

Kabtan Lee Joon-Seok ayaa la xidhay, waxaana lagu eedeynayaa in aanu wax masuuliyad ah iska saarin wadida Markabka, oo uu badbaadiyey naftiisi oo keliya ee aanu masuuliyad iska saarin rakaabka, isla markaana ku xadgudbey sharciyada maraakiibta badaha. Sidoo kale waxaa lala xidhay laba sarkaal oo kale oo ka mid ahaa shaqaalaha Markabka.

Wararka ay qorayaan saxaafadda Kuuriyada Koonfureed uu markiiba isku badbaadiyey doonta bad-baadada.

Ilaa iyo hadda 29 qof ayaa Meydkooda la heley, waxaa la samatabixiyey 170 qof, halka aan raq iyo ruux weli lahayn in ka badan 270 qof. rakaabka saaran Markabka ayaa ahaa ardeyda dugsiyada sare oo dalxiis ugu socdey meel Jasiirad ah.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland