Kaalin intee le’eg ayay ALMIS kaga jirtaa Ilaalinta Fayo-dhowrka Xaafadda 26 June?

Hargeysa (SLpost)- Maareeyaha Shirkadda fayo-dhowrka iyo Ilaalinta Nadaafadda ee Almis oo ka hawl-gasha degmada 26-ka Juun ee magaalada Hargeysa, ayaa sharraxaad ka bixiyey adeegyada kala duwan ee shirkaddu u qabato bulshada iyo kaalinta ay ku leeyihiin ilaalinta bilicda xaafadda ay shirkaddoodu qaabilsan tahay.

Maareeye Maxamed Cali Muxumed oo maanta xafiiskiisa ugu warramay saxaafadda qaarkeed, waxa uu ka warbixiyey geeddi-socodkii horumarineed iyo dhisme ee shirkaddu soo martay muddadii ay jirtay, xidhiidhka ay la leeyihiin bulshada ay u adeegaan iyo sidoo kale arrimo badan oo ku saabsan hawl-qabadka shirkadda.

Muuqaalkan Hoose ka Daawo Waraysiga Maareeye Maxamed Cali Maxamuud.