KA HORTAGAA KAROON DAAWEYNTA DAMBE – By: Jaamac Yasin

Jaamac Jug-soo-dhacay

Waxa waayahan dambe saxada siyaaasadda ee Somaliland wareeriyey afkaar guracan oo ay la walwalanayaan kooxo u badan qurbajoog hunguri siyaasadeed hayo, lakinse garanla tubtii  ay guusha ku raadin lahaayeen.

Waxa iyana doonaaya in fadqalaalo jogteeyaan dhagar- qabayaal loo bahan yahay in, si dhaqso ah layska soo dhex qabto, sharcigana la saaro.

1/ SirkaTaleex

Kooxda firfircoonida gaarka ah muujisay ayaa u muuqata midda uu horkacaayo Md CALI  KHALIF  GALAYDH. Ninkaas oo goobjoog ka ahaa “Shirweynihii” Burco ee lagaga dhawaaqay gooni-isutaaga Somaliland, waxa uu ka qaybgalay midkii Boorame oo uu u tartamay kaalinta Madaxweyne Ku/Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee madaxa banaan.

1999kii, Mudane GALAYDH waxa uu tartan u galay jagada Ra’iisalwasaraha Xukumadda Mogadiscio oo uu ku guulaystay, laakinse reer Majertania ka daba qaateen ilaa ay dhulka soo dhigeen sagaal bilood kadib. Dhawr goor oo dambena wuxu ka tartamay Shirar lagu qabtay Nairobi iyo meelo kale oo daafaha aduunka ku yaal,  looguna talinaayey Somaliada firinbidhay.

Niikaasi waxa uu raadcaynayaa waa cumaaamad Madaxweynenimo ama Ra’iisalwasarenimo. Mabda kale oo uu leeyahayna majirto haba yaraatee. Waxaase weli seegan, oo uu xusuusan kari la’ayahay inuu u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu wanqasheedii goobjoog ka ahaa, waxna ka cantuugay diyaafaddii ceesh keedii macaanaa ee lagu dabaldeyay 18/05/1991kii.

Fariin qaaliya waa in loo diraa. Ha layidhaahdo: Caliyow, Madaxweynimada aad u wareertay meel aan Jamhuuriyadda Somaliland ahayn ka taabi mayside, guryahaaga qaaliga ah ee ku yaal Lascanood, Ceerigabo, Burco, Berbera, Hargeysa iyo Boorame, nabad ugu soo dhawow.

Weliba nasiib weyn baad leedahay, waayo waqti kaama halaabin, oo doorashadii Madaxweynenimo ee dalkaga hooyo afar sannadood muddo ka yar  baa kaga hadhey in aad u tartanto, si xor iyo xalaal ah. Taladaas naseex u qaado Caliyow, kana joog inaad ka huriso dab-naareed ay ku shuf beelaan nafo shacbi islaam ah oo qaali ah, oo middaadu ku jirto, aakhirana cadaabtii fidmawale Allaheen  kugu juquuqin dooono.

Malaha dhawr boqol oo kun usd oo aad campainka ku gashana waabad haysataa, sida la’aaminsanyahaye. Maandhow, taarikhdaada dabaqabasho fiican u yeel, ayaan ku odhan laha. Hoy ka fiirso, yaanu ku hodin wadaadka kutubo-xorka ah, ee cumaamadda madhan ka lulaaya Xamar.Waxaan kaga digayaa in uu maanta ku raro in aan berito ku furaynini.

Haddii aanay caqliga suuban iyo iimaanka fayoobi talin Caliyow, waxaan cidna ka daahsoonayn in aad gashaanbuur la noqon doonto shaydaanka iyo Al-Shabaabta soo jabaaya, sida durba xogteeda lagu hayo  Jamhuuriyadda Somaliland ee aad u dhalatay. Kuwa ku laabtumaaya waxa ka mid ah, kooxihii bambooyinka digaayey Lascanood.

Shirkii Gar-Adag ee aad ku soo halqabsatay, wuu ka duwanaa midka Taleex. Dadka halkaas ku shiraayey waxbay tabanayeen, lakiin si buuxda ayey u aaminsanaayey qaranimada Somaliland. Caliyow ummadda kadaa jaahwareerka.

 Halbaan odhanayaa muwaadiniinta ka soo jeeda beesha dhulbahante.

Walaalayaal nabsi ha xambaaraanina.Gogosha nabadeed ee laydiin fidiyey qaata. Garnaqsada, idinkoo aan cidna u habranayn. Wixii xaq ah ee idinka maqan sheegta. Gobta reer Somaliland ee nabada iyo xuriyadda jeceli waydun is-afgaran doontaane.

Tolkiin idinma gabaye, afkiinu yaanu idin gabin, Walaalayaal. Nin-doorka ayaa idinku badan, oo dib-udhaca lahadhay deegaanadiinii waad soo qaban kartaan, haddii aad u xaydataan. Horumarku, nabada iyo talo-wadaagu ku jiraa. Allaheen tawfiiqda ayuu sudhay guusha bulshada, ifka iyo aakhiraba, Walaalayaal, middaas ha moogaanina.

2/ Ceel -Bardaale & Seemaal

Ceel-Bardaale wuxu ku caambaxay dooxo dheer ( 60 km ) oo SHEIKH waxgarad ihii xigmaddiisa la kaashaday isagoo rag aqoonyahan ahina farsamo cilmiyaysan ku kordhiyeen. Fikradiisu waxay ahayd mid ku salaysan wax soosaar. Si uu himiladiisa u gaadho, wuxu mideeyey muruqii iyo murtidii bulsha weynta meeshaa wadadegta. Waxa xitaa soo tiigsaday dad gobolada kale ee dalka ka soo kala jeeda.

Xashe, isaga shucuurtiisa dad iska horkeen iyo isku dil toona kumay abuurnayn, Eebena wuu ku gargaaray samofalkaas suuban. Qoyskii beer ku soo darsadayba baadhaadhe ayuu kala kulmay. Mashruucaas iskaashiga ku dhisani waxa uu noqday, dhaqaale ahaan, mid lagu dayan karo oo wax soosaar mugleh keenay.

In hadaba maanta, arrintii la dhalan rogo oo barwaqadii bulshada wadataal gaadhey, colaad iyo kalaqax lagu bedelo, ma aha mid lagarwaaqsan karo. Waxa waajibku yahay in kooxa cadaawadda abuuraaya, si hagar la’aan ah, loo xakameeyo. Cidda dilalka gaysatay ee fidmada wada, waa in gacmo bir ah lagu qabtaa.

Maha dembigu inuu noqdo mid u dhalaso ah oo keena ciqaab qabyaaladaysan  (Collective punishment). Waxaan qaba in arrintaas markii hore la dhayalsaday, marki dambena ragba ka dhigtay mashruuc siyaasadaysan ( political business ). Axsaab ayaaba ka fa’iidaysatay oo ku fawztay cadawaddii hakaas laga abuuray.

Hadda waxa lahayaa raad cad iyo magacyadii ragga lagu tuhunsan yahay in ay gaysteen fal-dembiyeedadii jiidaas ka dhacay. Haddii aanay wax qabin may caraareen, illeen waxa u furnayd inay is-difaacaane. Shacab weynuhu waa inay, si hagar la’aan ah, gacan u siiyaan cidanka qaranka ee ku raad jooga edaysanayaasha, waayo suuragal maaha aynu wax wada qalanno, midiyahana kala qarsano, Walaalayaal.

Marka dembilayaasha gacanta lagu dhigo ee abaal kood lamariyo, waa in mushkiladda  xal waara loo heli kara. Waxaan soo jeedin laha:

1/ in jiidaas laga sameeyo “Iskaashato-beereed “ habaysan

2/ in lagu dabaqo nidaam shirkadeed, oo ku salaysan “shares” loo qaybiyo mulkilayaashii beerahaasi iyo dhulkoodu ka soo jeedeen

3/ in guddi talo-wadaag ah, oo aqoonyahano beereed ka mid yihiin, loo igmado maamulka Iskaashatadaas

4/ in Xukuumaddu siiso Iskaashadaas qalab beereed dib loogu habeeyo hawlaheedii kala daatay

5/ in dawladdu xilqaado nabad sugidda mashruucaas

6/ in loo damaanad qaado qoys walba qaybtiisa oo ku qayaxan nidaamka dhaqaale ee Iskaashatada, iyagoo loo ogolyahay  weliba in lashaqaalaysiyo

7/ in dawladduna canshuur koobay saarato macaash-sannadeedka Iskaashatada.

3/ Xukuumadda Somaliland

Waajib weeye  saaran Xukuumadda inay midnimada iyo qaranima Somaliland difaacaan, wanay u dhaarteen xilkaas gudashadiisa. Lakiinse, ninkaan waxa soo socdan fahmin, wixii joogana ma garto. Waar, sirdoonka iyo go’aan qadashadu-ba waydinka janjeedhaan. Mudane Madaxweyne, gogoshan sannadka aad ku baaqayso, ee hawada heehabaysa dhulka soo dhig. Waar, guddiyadan madhalayska noqday , dhaafoo, taladu way muqataaye ku dhiiro, oo wax-qabad kaagu sumad qaranimo ha yeesho, si aan cadowgu oga faa’idaysan docdalooladaada iyo haghagashada siyaasadeed ee ragaadisay wax qabadkii Xukuumaddan xubnaheedu kolba is-qabqabsayaan.

Ciidanka dalka haloo hagar baxo, si gaadh-hayayaal digtoon ugu noqdaan sugidda amniga gudaha iyo midka xuduudaheena baladhan, ee xeebta iyo baddda ilaalin tooduna ku jirto.

Hala ogaado in cadaaladdu ay tahay waxa ugu qiimaha badan ee ummaddu wadaagto laguna qancin karo.

KA HORTAGA CUDURADA, AYAA KA WANAAGSAN DAAWEYNTOODA.

Waa Billaahi Tawfiiq

Jaamac Yaasiin Faarax

Hoghayaha guud ee Xisbiga Udub