KA BOGO Nuqulka Rasmiga ah ee Xeerka CASHUUR-KORDHINTA ee Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ay Maanta Ansixiyeen iyo Magacyada Xildhibaannada DIIDAY

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta cod ku ansixiyey xeerka takaaliifta Horumarinta waddooyinka Somaliland, ka dib dhowr maalmood oo mudaneyaashu ka doodayeen xeerkan.

Fadhiga maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu Shir-gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa madasha ka soo xaadiray 70 Xildhibaan oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee aqalkaasi ka kooban yahay.

58 Xildhibaan ayaa u codeeyay meel-marinta xeerkan, waxa diiday 8 Xildhibaan, halka 3 kalena ay ka aamuseen, sidaasi ayaanu ku hirgalay xeerkaasi.

Xeerkan oo dood adag ka dhex dhaliyay Aqalka Wakiiladda ayaa intii dooddiisu socotay, waxa golaha ka soo xaadiray Xildhibaannado aan tiradoodu ka badnayn 44, kuwaas oo badankoodu ka soo horjeeday meel-marintiisa, iyada oo mudaneyaasha mucaaradka ahi ka tiro-badnaayeen dhiggooda muxaafadka ee ka qayb-qaadanayey doodaha laga sameeyey xeerkan.

XEERKA MUDANEYAASHA GOLAHA WAKIILLADU ANSIXIYEN AYAA ISBEDDELKA KA MUUQDAA MUUJINAYAA IN LAGA DHIMAY QADDARKA LACAGEED IYO MUDDADA AY XUKUUMADDU UGU SOO GUDBISAY QABYO-QORAALKII XEERKAN.

Haseyeeshee, Marka la shidaal-qaato aqlabiyadda mudaneyaasha Golaha ee Ansixiyey Xeerka, waxa muuqanata in kuwii mucaaradka ahaa ee ka soo horjeeday aanay marka horeba dhab ka ahayn diidmada ansixinta Xeerka.

Sidoo kale, Marka la isbarbardhigo tirada mudaneyaasha maanta ka soo xaadiray golaha iyo tirada xildhibaannada ka qayb-galay fadhiyadii lagaga dooday xeerka, waxa muuqata in xukuumaddu hawl-ballaadhan u gashay inay Hurdada ka soo toosiso tiro ku dhow Soddomeeyo xildhibaan oo caadaystay inaanay sida caadiga ah ka qayb-gelin fadhiyada caadiga ah ee Golaha.

Magacyada 8-da Xildhibaan ee Ku Gacan-saydhay Ansixinta Xeerka

1. Xil. Ibraahim Mahdi Buubaa.

2. Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog).

3. Xil. Maxamed Faarax Qabile.

4. Xil. Saleeban Yuusuf Cali Koore.

5. Xil. Cali Xaaji Maxamed.

6. Xil. Maxamed Xaaji Maxamud Cumar Xaashi.

7. Xil. Baar Saciid Faarax.

8. Xil. Ibraahim Jaamac Cali (Reyte).

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Nuqullada Xeerka wax ka beddelka iyo Kaabista lagu sameeyey ee Golaha Wakiilladu maanta Ansixiyeen.

XEERKA GOLUHU MAANTA ANSIXIYEY

22

334455

QABYO-QORAALKII XEERKAN.

Somalilandpost.net/Hargeysa